Sunday, February 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

AKHRISO: Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda oo soo saartay amarro ku saabsan Maraakiibta istimaala Calanka Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo tacsi u dirtay Xukuumadda iyo Shacabka Tanzania
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay  wareegto lagu baabi’nayo dhammaan Shahaadooyinkii diiwaan gelinta Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Kalluumeysiga ee sita Calanka Soomaaliya.

 

Related posts

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

February 7, 2026
Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

February 7, 2026

Nuqul kamid ah Wareegtada oo soo gaartay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa waxay u qorneyd siddaan:-

“Iyaddoo laga ambaqaadayo dardar-gelinta waajibaadka shaqo ee Wasaaradda u xilsaaran tahay sidoo kale muhiimad gaar ah la siinayo horumarinta nabad gelyada iyo badbaadada nolosha badmaridda waxay Wasaaradda soo saartay qodobadaan soo socda:-

1-Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda waxay Baabi’isay/tirtirtay dhammaan Shahaadooyinkii diiwaan gelinta Maraakiibta Ganacsiga iyo Kalluumeysiga ee sita Calanka Soomaaliya.

 2-Dhammaan shahaadooyinka Diiwaan gelinta ee Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Kalluumeysiga kana diiwaan geshan Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda waa in lagu soo celiyaa sida uu qabo Sharicga Badda Soomaaliyeed.

 3-Markabkii /Doontii ku qaadata Calanka Soomaaliyeed si aan waafaqsaneyn Sharciga Badda waxaa laga qaadayaa tallaabo waafaqsan xeerarka dalka iyo kuwa Caalamiga ahba.

 4-Wasaaradda waxay soo saari doontaa Xeer-nidaamin cusub oo lagu diiwaan gelin doono Maraakiibta iyo Doonyaha iyaddoo la hubinayo inuu buuxiyey sharruudaha uu tilmaamay qaanuunka, si loo oggaado Calanka Soomaaliyeed.

5-Milkiileyaasha Maraakiibta iyo Doonyaha u hoggaasami waaya qodobada ku xusan wareegtadaan waxaa si deg deg ah looga qaadayaa talaabo waafaqsaneyn Sharciga.”

Gabogabada Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa lagu sheegay in laga bilaaboTaariikhda wareegtadaan la saxiixo la baabi’iyey dhammaan Shahaadooyinkii diiwaan gelinta Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Kalluumeysiga ee sita Calanka Soomaaliya, waxaana sidoo kale Wareegtada lagu xusay in Wasaaradda 25 Novermber ee Sanadkaan 2018 ay bilaabeyso diiwaan gelinta rasmiga ah ee Maraakiibta, si waafaqsan Sharciga dalka.

Previous Post

Guddiga loo xilsaaray dib u dhiska Matxafka Qaranka oo dadka halkaasi degan mar kale ugu celiyey inay ka guuraan dhismahaasi “Sawirro”

Next Post

Wasiir Beyle “Waxaan Dawlad Gobaleedyada ka codsanaynaa in ay soo diraan xisaab celinta lacagahii hore iyo dalabka lacagta cusub”

Next Post
Wasiir Beyle “Waxaan Dawlad Gobaleedyada ka codsanaynaa in ay soo diraan xisaab celinta lacagahii hore iyo dalabka lacagta cusub”

Wasiir Beyle “Waxaan Dawlad Gobaleedyada ka codsanaynaa in ay soo diraan xisaab celinta lacagahii hore iyo dalabka lacagta cusub”

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JABUUTI):-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed, ayaa si rasmi ah loogu doortay xilka Madaxweyne Ku-xigeenka Ururka Kubadda...

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Prof. Salim Caliyow Ibrow, ayaa si faahfaahsan uga...

Munaasabad lagu soo dhaweynayo Wasiirka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu qabtay dalka UK

Munaasabad lagu soo dhaweynayo Wasiirka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu qabtay dalka UK

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LONDON):-Magaalada London ee Caasimadda Dalka UK waxaa xalay lagu qabtay munaasabad si weyn loogu soo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo...

Soomaaliya oo sanadkan ka qayb galaysa dhoolla-tuska badda ee dalalka caalamka

Soomaaliya oo sanadkan ka qayb galaysa dhoolla-tuska badda ee dalalka caalamka

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya ayaa ku biirtay dhoolatus ballaaran oo ay wadajir u sameynayaan ciidamada badda dalal dhowr ah, kaas oo ujeeddadiisu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In