Saturday, June 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo marti-galineysa kulanka Dalalka Iskaashiga Islaamka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo marti-galineysa kulanka Dalalka Iskaashiga Islaamka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marti gelineysa shir heer wasiir ah oo kooxda xiriirka Soomaaliya u qaabilsan Ururka Iskaashiga Islaamku ku yeelanayaan Magaalada Muqdisho Berri oo Sabti ah.

Related posts

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

June 27, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

June 27, 2026

Wufuud ka socota Dalal badan oo xubno ah ururka Islaashiga Islaamka ee OIC ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho , halka kuwa kalena la filayo in ay Berri yimaadaan.

Xubnahan Maanta yimid ayaa ka kala socda Dalalka Sacuudi Carabiya, Malaysia, Turkey iyo wafdi uu hoggaaminayo kaaliyaha xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka,Danjire Hishaam Yuusuf, ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyagoo ka qeyb geli doona shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee Soomaaliya marti galineyso.

Martigalinta Soomaaliya ee shirkan muhiimka ah ayaa imaanaysa iyadoo la fulinayo qaraarradii ka soo baxay shirarkii 44-aad iyo 45-aad ee Wasiirrada arrimaha dibedda Dalalka Iskaashiga Islaamku ku yeesheen Abidjan, Ivory Coast iyo Dhaka, Bangladesh.

Wufuudda ka soo qeyb galaysa shirkan ayaa diirradda ku saari doonta kulankooda sidii loo xoojin lahaa xasilloonida ka jirta Soomaaliya oo ka soo kabanaysa Sanado badan oo ay xaalado amni xumo ka jireen.

Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka iskaashiga Islaamka ayaa ka kooban Dalalka kala ah;

1-Azerbaijan 2-Brunei 3-Djibouti 4-Egypt 5-Gabon 6-Iran 7-Kuwait 8-Malaysia 9-Pakistan 10-Qatar 11-Saudi Arabia 12-Sudan 13-Turkey 14-UAE 15-Yemen, waana markii ugu horreysay ee ay Soomaaliya marti geliso shir caynkan oo kale ah tan iyo xilligii la asaasay Ururkan 1972-kii.

Previous Post

Horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeelleda Hoose

Next Post

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo horjooge Al-Shabaab ah ku dilay Shabeellada Hoose

Next Post
Taliye Gorod”Howlgalku wuu socon doonaa ilaa laga ciribtiro argagixisada Alshabaab”+sawirro

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo horjooge Al-Shabaab ah ku dilay Shabeellada Hoose

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maanta oo ku beegan 27-ka Juun, Jamhuuriyadda Jabuuti waxay u dabbaaldegaysaa sannad-guuradii 49-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali (Dhaay), ayaa ka qaybgalay...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu...

Guddiga Qaran ee qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo kormeeray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Guddiga Qaran ee qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo kormeeray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In