Kormeerkan dhanka Amniga la xiriira ayaa guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir uu ku sameeyey xaafadaha degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho, waxaa ku wehliyay Xildhibaan Ikraan Yuuusf Xirsi oo ka tirsan Golaha Shacabka, guddoomiyaha degmada Heliwaa iyo saraakiisha ciidamada amaanka.
Masโuuliyiintan oo socdaal dhanka lugta ah xili habeen ah ka bilaabay xarunta degmada Heliwaa ayaa socd dheer oo muddo qaatay ku maray xaafadaha Suuqyada iyto xarumaha ciidamada ay ku suganyihiin, waxaana kmaid ah meelaha ay tageen,Xero Maslax oo salaada Maqrib ay ku Tugadeen, Baar Johwar, Shaneemo Cabdiwaayeel iyo Suuaqa degmada Heliwaa,
Mudane Maxamed C/laahi Tuulax guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir ayaa intii kormeerka lagu jira ciidamada iyo saraakiisha ka xogwareysanayay baahiyahooda, isagoo ku dhiiro gelinayay dardar gelinta howlaha nabadgeliyada.
Guddoomiyaha degmqada Heliwaa C/xakiin Cumar Jacfaan ayaa ku Mudane Tuulax sida uu ugu kormeerayo masโuuliyada ka saaran amniga.
โFarxad ayey inoo tahay in markii labaad aad noo imaato inagoo kujirna kormeerkeena amniga, waxaana runtii farxad ah inaad marqaati ka aheyd sidii shacabku ay inoola shaqeynayeenโayuu yiri Mudane C/xakiin Cumar Jacfaan.
Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax ayaa sheegay in shacabka iyo maamulka degmada oo iskashanaya ay ku guuleysteen xoojinta amniga iyo horumarka.
โWaxaan soo aragnay in maamulka uu shaqeynayo, waaxyaha degmada ay wada shaqeynayaan, waxaan aragnay shacab heysta maamul ay ku qanacsanyihiin iyo amni dhameystiranโayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir.
Tan iyo markii ciidamada cusub lagu xoojiyay amniga Muqdisho waxaa la dareemayay isbedelo muuqda, waxaana Mudane Tuulax uu sheegay in shacabka iyo maamulada looga baahanyahay in ay xajistaan Amnigooda.