Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Aqalka sare oo meel mariyay Hindise Sharciyeedka Kheyraadka Biyaha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha Aqalka sare oo meel mariyay Hindise Sharciyeedka Kheyraadka Biyaha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waa kalfadhigii 4aad kulankiisa 5aad ee Golaha Aqalka sare oo uu shir guddoominayay Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa looga hadlay Hindise sharciyeedka Kheyraadka Biyaha iyo samaynta hay’adda maareynta biyaha Qaranka.

 

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Senator  Ilyas Cali Xasan Gudoomiyaha Guddiga Kheyraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo gaadiidka ee Golaha Aqalka Sare ayaa ka hadlay heerarka uu hindise sharciyeedkan soo maray iyo wax ka badalka lagu sameeyay, isagoo ka codsaday Golaha inay meel mariyaan sharcigan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Cismaan Libaax Ibraahin ayaa Xildhibaannada Aqalka sare u sheegay in Hindise Sharciyeedka ay ka muuqato in shaqo wanaagsan laga qabtay, waajibkiinana aad ka gudateen, wuxuuna golaha ka codsaday in ay ansixiyaan maadaama Wasaaradda howlo badan uga xayiran yihiin meel marinta sharcigan.

Ugu dambayn  Guddoonka Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Hindise Sharciyeedka Kheyraadka Biyaha iyo samaynta hay’adda maareynta biyaha Qaranka cod la galinayo ,

“Cod gacan taag ah ayaa loo qaaday 29, ayaa ogolaatay ma jirin wax diiday iyo cid ka aamustay sida natiijada uu ku dhawaaqay  Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi

Hindise Sharciyeedka Kheyraadka Biyaha iyo Samaynta hay’adda Maareynta Biyaha Qaranka ayaa horay waxaa u soo ansixiyay Golaha Shacabka BFS, waxaa loo soo gudbiyay golaha aqalka sare oo ansixiyay, waxaana ugu danbayn loo gudbinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si marka uu saxiixo uu u noqdo sharci rasmi ah.

 

Previous Post

Gaalkacyo: Barakacayaal ka cabanaya dhibaatooyin xagga nolosha ah

Next Post

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo soo gabagabaysay aqoon iswaydaarsi ku saabsan Dib-u-eegista dastuurka “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo soo gabagabaysay aqoon iswaydaarsi ku saabsan Dib-u-eegista dastuurka “SAWIRRO”

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo soo gabagabaysay aqoon iswaydaarsi ku saabsan Dib-u-eegista dastuurka "SAWIRRO"

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In