Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Maxkamadaha Gobolka kala hadlay xal-u-helidda Dukumiintiyada Been abuurka ah “Sawirro”

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Maxkamadaha Gobolka kala hadlay xal-u-helidda Dukumiintiyada Been abuurka ah “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo kormeeray xarumaha Maxakamadda Ciidammada Qalabka Sida, Maxkamadaha heer Gobol ee darajada koowaad iyo Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay mira dhal noqdeen tallaabooyinka wadajirka ah ee loo qaaday xal-u-helista murannada dhulka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in hirgelinta xafiisyada adeegyada ee degmooyinka ay u fududeeyeen bulshada in ay si sharciyeysan ula kala wareegeen hantida maguurtada ah, isagoona ka digay dukumiintiyada ku saabsan arrinkan ee ay soo saaraan xafiisyada gaarka loo leeyahay (Nootaayo), Isla markaana caddaaladda la horkeeni doonno cid walba oo lagu helo dukimiinti aan sharci ahayn.

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

“Waxaan ka hirgelinnay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir xafiisyada bixinta adeegyada bulshada, taas oo aan uga golleenahay in muwaadin kasta uu helo dukumiintiga uu doonayo oo sharciyadeysan, dhawraayana mulkiiyaddiisa iyo xaqa uu leeyahay, taas oo horey ay uga jirtay dhibaato weyn iyo muranno joogta ah.”

Eng.Yarisow ayaa kala hadlay Guddoonka Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida in xal waaro loo helo fara gelinta aan sharciga ahayn ee ciidanka qaar ay ku sameeyaan murannada dhulka iyo muhiimadda ay leedahay in sharciga la hor keeno cid kasta oo ku tagri fasha awoodda dawladnimo.

“Marar badan ayaa waxaa dhacay falal la xiriira askar isugu gacan qaadday dhul iyo hanti ay ahayd in ay si sharciga wafaaqsan dacwadahooda u soo gudbiyaan Maxkamaddaha, taas waa mid aan la qaadan karin oo aan meel uga soo wada jeesan doonno. Sidoo kale waxaa naga go’an dib u soo celinta hantida guud cid kasta oo haysata, maadama ay tahay hanti loogu tala galay u adeegidda bulshada.”

Guddoonka Maxkadda Gobolka Banaadir ayaa ku boggaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir dadaalka ay ku bixinayaan xal-u-helista tabashooyinka iyo murannada la xiriira hantida maguurtada ah iyo sidii loo taabbo gelin lahaa hannaan cadaalad oo ay helaan bulshada Gobolku.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa kormeerka ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac, iyagoo kormeer ku sameeyey xafiisyada ay ku shaqeeyaan Maxkamaduhu.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay “Sawirro”

Next Post

Maalinta Africa oo laga xusay Dalka Kuwait “Sawirro”

Next Post
Maalinta Africa oo laga xusay Dalka Kuwait “Sawirro”

Maalinta Africa oo laga xusay Dalka Kuwait "Sawirro"

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In