Tuesday, September 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Maxkamadaha Gobolka kala hadlay xal-u-helidda Dukumiintiyada Been abuurka ah “Sawirro”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Maxkamadaha Gobolka kala hadlay xal-u-helidda Dukumiintiyada Been abuurka ah “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo kormeeray xarumaha Maxakamadda Ciidammada Qalabka Sida, Maxkamadaha heer Gobol ee darajada koowaad iyo Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay mira dhal noqdeen tallaabooyinka wadajirka ah ee loo qaaday xal-u-helista murannada dhulka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in hirgelinta xafiisyada adeegyada ee degmooyinka ay u fududeeyeen bulshada in ay si sharciyeysan ula kala wareegeen hantida maguurtada ah, isagoona ka digay dukumiintiyada ku saabsan arrinkan ee ay soo saaraan xafiisyada gaarka loo leeyahay (Nootaayo), Isla markaana caddaaladda la horkeeni doonno cid walba oo lagu helo dukimiinti aan sharci ahayn.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026

“Waxaan ka hirgelinnay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir xafiisyada bixinta adeegyada bulshada, taas oo aan uga golleenahay in muwaadin kasta uu helo dukumiintiga uu doonayo oo sharciyadeysan, dhawraayana mulkiiyaddiisa iyo xaqa uu leeyahay, taas oo horey ay uga jirtay dhibaato weyn iyo muranno joogta ah.”

Eng.Yarisow ayaa kala hadlay Guddoonka Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida in xal waaro loo helo fara gelinta aan sharciga ahayn ee ciidanka qaar ay ku sameeyaan murannada dhulka iyo muhiimadda ay leedahay in sharciga la hor keeno cid kasta oo ku tagri fasha awoodda dawladnimo.

“Marar badan ayaa waxaa dhacay falal la xiriira askar isugu gacan qaadday dhul iyo hanti ay ahayd in ay si sharciga wafaaqsan dacwadahooda u soo gudbiyaan Maxkamaddaha, taas waa mid aan la qaadan karin oo aan meel uga soo wada jeesan doonno. Sidoo kale waxaa naga go’an dib u soo celinta hantida guud cid kasta oo haysata, maadama ay tahay hanti loogu tala galay u adeegidda bulshada.”

Guddoonka Maxkadda Gobolka Banaadir ayaa ku boggaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir dadaalka ay ku bixinayaan xal-u-helista tabashooyinka iyo murannada la xiriira hantida maguurtada ah iyo sidii loo taabbo gelin lahaa hannaan cadaalad oo ay helaan bulshada Gobolku.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa kormeerka ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac, iyagoo kormeer ku sameeyey xafiisyada ay ku shaqeeyaan Maxkamaduhu.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay “Sawirro”

Next Post

Maalinta Africa oo laga xusay Dalka Kuwait “Sawirro”

Next Post
Maalinta Africa oo laga xusay Dalka Kuwait “Sawirro”

Maalinta Africa oo laga xusay Dalka Kuwait "Sawirro"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayeen arday Soomaaliyeed oo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 21, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ku qaabilay...

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NABADDA ADDUUNKA

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NABADDA ADDUUNKA

September 21, 2026
0

Waxaa xalay magaalada Gaalkacyo lagu qabtay munaasabad lagu xusay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda Adduunka, oo ku beegan 21-ka Sebtembar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In