Monday, May 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaan Golaha Shacabka “Dowladda wax faro galin ah kuma heyso Doorashadda Koonfur Galbeed “Dhageyso”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Golaha Shacabka oo ansixiyay xeerka dalka ka mamnuucaya shirkada DP World
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaar tirsan Mudanaaysaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka DFS oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin wax faro galin ah oo Dowladda Soomaaliya ku heyso Doorashadda Madaxweynaha ee Dowladda Gobeedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mudanaayaashan Golaha Shacabka oo lahadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in siwaangsan u socoto Ololaha Doorashadda Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed taas oo dhawan lafilayo inay ka dhacdo Magaaladda Baydho.

Related posts

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

May 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

May 11, 2026

Xildhibaan Cabdullaahi Abshirow oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa sheegay in aysan jirin wax faro galin ah oo Dowladda Soomaaliya ku heyso Doorashadda Madaxweynaha ee Koonfur Galbeed taas badalkeedana Dowlad Goboleedyaddu u madax banaan yihiin arrimaha Doorashooyinkooda.

“Doorashooyinka Koonfur Galbeed waxaan maqlay in laleeyahay waxaa faro galin ku haya Xukuumadda taas waxba kama jiraan aniga ayaa tahay Magaaladda Baydhabo oo deegaankeyga ah mana ku soo arkin wax lasheegayo runtii Maanta wax faro galin majirto balse badalkeeda waxa socda Hormar wanaagsan oo meelkasta laga wado” sidaas waxaa sheegay Xildhibaan Cabdullaahi Abshirow oo lahadlay Radio Muqdisho.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdullaahi Abshirow waxaa uu sheegay in Shacabka Koonfur Galbeed aad u taageersan yihiin Dowladda Soomaaliya kadib markii Dowladdu ku guuleysatay in Maleeshiyaadka Al Shabaab ka saarto Wadada isku xirta Muqdisho iyo Marka oo Muddo dadka Shacabka ah Al Shabaab ku dhibaateyn jireen, sidoo kalena Ciidanka Xoogga dalka ku guuleysteen inay kala qaadaan Maleeshiyo Beeleed muddo isku hor fadhiyey Duleedka Magaaladda Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

“Shacaabka Koonfur Galbeed waxaa ay ii soo dhibeen Fariin ay ugu mahadcelinayaan Madaxeweyne Farnaajo iyo Reysul Wasaare Kheyre iyo dhamaan Madaxda Dowladda Soomaaliya aad ayey u soo dhaweeyeen Howlgalkii lagu furay wadada isku xirta Muqdisho iyo Marka oo aan muddo badan lamarin, sidoo kale waxaa ay ka mahadcelinayaan in kala qaaday Maleeshiyo Beeleedkii Marka muddo isku heystay sidoo kalena heshiis arrintaas laga gaaray”.

Dadaalkan ay wado Dowladda Soomaaliya ee dhanka Howlgalada lagula Dagaalamayo Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa ah mid ay siwaansan u soo dhaweeyeen dadka Soomaaliyeed.

Halkan ka dhageyso

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/11/WAR-KULMIYE-BAAQ-NABADEED-31.10.2018.mp3
Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

AMISOM oo billado Guddoonsiisay guutooyin la sagootinayay

Next Post
AMISOM oo billado Guddoonsiisay guutooyin la sagootinayay

AMISOM oo billado Guddoonsiisay guutooyin la sagootinayay

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

May 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Yugaandha,...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

May 11, 2026
0

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS ayaa ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
0

Nayroobi, Kenya – 11 Maajo 2026---Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay wejiga koowaad ee barnaamij...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

May 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Biljimka ayaa ku baaqday midnimo iyo in shacabka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In