Sunday, June 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha Madaxweynaha oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Maxamed Mursal “Waxaan fulin doonaa Barnaamijkeyga ka koobnaa 10-ka qodob”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa cambaareeyay weerarkii argagixisinimo ee ka dhacay Isgoyska Km4 gaar ahaan Hotelka Saxafi  ee magaalada Muqdisho, Isagoo tacsi u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

 

Related posts

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Carabta

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Carabta

June 28, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray magaalada Baydhaba

Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray magaalada Baydhaba

June 28, 2026

“Anigoo ku hadlayay magacayga iyo kan Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaan cambaareynayaa falkii argagisinimo ee galabta dhacay, dadkii ku geeriyooday Naxriistii jano Allaha haka waraabiyo, kuwii uu dhaawac soo gaareyna Caafimaad deg deg ah Allaha ha siiyo” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in kooxdan ay caadeysatay dhiigga Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay mar walba beegsadaan dadka aan waxba galabsan sidoo kalena ay beegsadaan goobaha ay dadka isugu yimaadaan, wuxuuna tusaale usoo qaatay weerarkii ugu dambeeyay ee maleeshiyaadkan ay maanta dadka Shacabka ah ku xasuuqeen ayna kooxdan geysteen, iyadoo ay tahay maalin Jimcaha kana duwan maalmaha kale ee Alle sidoo kalena ah maalin ciideed.

Ugu dambeyn Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ahna Guddoomiyaha Golaha ayaa aad u amaanay ciidanka Amaanka Qaranka oo mar walba naftooda u huraya badnaadinta dadka Soomaaliyeed iyo ka hortaga dhagarta kooxaha aragagixisada ah, wuxuuna ku baaqay in loo midoobo la dagaalankooda islamarkaana meel looga soo wada jeesto si loo cirib tiro maadaamaa hadaba ay naf lacaari yihiin.

“Waxay dad Shacab ah  qarxiyeen iyadoo ay tahay maalin jimca ah oo ah maalin ka duwan maalmaha kale sidoo kale ay ciid u tahay dhamaan dadka muslimiinta ah waa koox caadeysatay daadinta dhiiga Shacabka Soomaaliyeed,waxaana dadka Soomaaliyeed  ugu baaqayaa in ay u midoobaan la dagaalanka kooxaha Argagixisada ah”  Ayuu yiri Kusimaha Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

 

Previous Post

Ciidamada Ammaanka oo toogtay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Hotel Saxafi

Next Post

Wariye ka tirsan Wakaaladda SONNA iyo Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta oo ku dhaawacmay qaraxyadii maanta

Next Post
Wariye ka tirsan Wakaaladda SONNA iyo Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta oo ku dhaawacmay qaraxyadii maanta

Wariye ka tirsan Wakaaladda SONNA iyo Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta oo ku dhaawacmay qaraxyadii maanta

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Carabta

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Carabta

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, ayaa maanta kulan la qaatay Xoghayaha...

Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray magaalada Baydhaba

Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray magaalada Baydhaba

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo,...

Taliye Mahad Salaad oo Cabudwaaq ka dhagax-dhigay xero ciidan oo ay leedahay Hay’adda NISA

Taliye Mahad Salaad oo Cabudwaaq ka dhagax-dhigay xero ciidan oo ay leedahay Hay’adda NISA

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa magaalada Cabudwaaq ka dhagax-dhigay xero...

Maxay Soomaaliya ka baran kartaa waayo-aragnimada Shiinaha?

Maxay Soomaaliya ka baran kartaa waayo-aragnimada Shiinaha?

June 28, 2026
0

Guusha dowlad kasta waxaa ugu dambeyn lagu cabbiraa saameynta ay ku yeelato nolosha shacabka. Waxbarasho tayo leh, adeeg caafimaad, shaqo-abuur,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In