Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha dhaqaalaha oo Xukuumadda u bandhigay cilmi baaris ay ka sameeyeen hannaanka horumarinta dhaqaalaha dalka

caqiil by caqiil
November 11, 2018
in Wararka
0
Golaha dhaqaalaha oo Xukuumadda u bandhigay cilmi baaris ay ka sameeyeen hannaanka horumarinta dhaqaalaha dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixin ku saabsan xoojinta dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda dalka iyo horumarrada laga gaaray ka dhagaystay Golaha Dhaqaalaha Qaranka.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddominayay Raโ€™iisulwasaare Xasan Cali Khayre ayey Golaha Dhaqaalahu ku soo bandhigeen cilmi baaris ay ka sameeyeen istaraatiijiyadda maalgashiga dalka, kobcinta dhaqaalaha, kordhinta dakhliga dawladda, iskaashi dhaqaale oo Soomaaliya ay la yeelato wadamada Bariga Afrikaย  iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.

Related posts

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025

Golaha dhaqaalaha qaranaka oo adeegsanaya cilmi baaris dheer iyo cadaymo ayaa dawladda kala taliya arrimaha dhaqaalaha dalka, iyaga oo sidoo kale dawladda talo ka siiya diyaarinta iyo dhaqan-galinta siyaasad dhaqaale oo tayo leh taas oo ka caawinaysa isku-dubaridka khayraadka dalka iyo dibadda iyo fulinta qorshayaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadd Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa Dekareeto ku magacaabay golaha dhaqaalaha qaranka July 12, 2018, waxaana si rasmi ah loo daah-furay August 11, 2018.

Golaha dhaqaalaha Qaranka

Guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wasiirada, madaxda dawlad goboleedyada, guddoomiyaha bangiga dhexe iyo shan xubnood oo madax bannaan ayaa xubno ka ah golaha dhaqaaaha qaranka, waxaana sidoo kale la shaqeynaya afar dhaqaale-yahan oo aan Soomaali aheyn.

Shanta Xubnood ee Soomaalida ah

Dr. Ali Issa Abdiย Waxa uu PhD ka diyaariyay dhaqaalaha, master-kana waxa uu ku diyaariyay maaliyadda caalamiga ah. Waxa muda dhan 20 sano uu heyโ€™adda lacagta aduunka kula shaqeeyay dhaqaala yahan sare

Dr Aues Scekย waxa uu in ka badan 25 sano oo khibrad u leeyahay dib u habaynta maamulka dawliga ah, horumarinta istaraatiijiyadda siyaasadda iyo siyaasadda maaliyadda, waxa uu PhD ku diyaariyay horumarinta dhaqaalaha, Waxa uuna la taliye dhaqaale kasoo noqday Barnaamijka GIZ ee wadamada Swaziland, Kenya, Malawi iyo Germany. UNDP ayuu kala shaqeeyay barnaamijka PFM, dib u qaabaynta siyaasadda dhaqaalaha iyo barnaamijka Kormeerka Iyo Qiimaynta.

Dr. Hussein Warsameย waxa uu Associate Professor ka yahay Iskuulka ganacsiga ee Haskayne, waxa agaasime ka yahay qaybta Master-ka ee siyaasadda Dawliga ah ee jaamacadda Calgary. Waxa uu PhD ku diyaariyay maamulka MBA ayuu ku diyaariyay Xisaabaadka. Waxa uu Bagiga aduunka talooyin ka siiyay canshuurta, daah-furnaanta dakhliga kasoo xarooda saliidda iyo shidaalka.

Hussein M Siadย waxa uu xirfad wanaagsn u leeyahay horumarinta dhaqaalaha. Waxa uu master ku diyaariyay dhaqaalaha iyo maamulka. Waxa uu in ka badan 30 sano oo khibrad ah u leeyahay nakhshadeynta iyo wada xaajoodka barnaamijyada gargaarka iyo dib u habaynta siyaasadda dhaqaalaha. Waxa uu kasoo shaqeeyay wadamada Kenya, Lebanon, Somalia, Zimbabwe iyo Mauritius. Waxa uu soo noqday wasiir ku-xigeenka maaliyadda ee dawladda Federaalka Soomaaliya. Waxa uu la shaqeeyay Bangiga aduunka, Bangiga horumarinta Islaamka, Hayโ€™adda Lacagta Aduunka, hayโ€™adda gargaarka ee Mareykanka, Bankiga horumarinta Afrika, Midawga Yurub iyo UNDP.

Sakhawadin Mustafa Mohamedย waxa uu PhD iyo master ku diyaariyay dhaqaalaha, waxa uu khibrad u leeyahay falanqaynta maamulka iyo siyaasada dhaqaaalaha dawladda. Waxa uu dhinacya badan kala soo shaqeeyay Minnesota State isaga oo noqday agaaasimaha cutubka dhaqaalaha, waxa uuna hogaan usoo noqday cutubka cilmi baaaritsa shaqaalaha iyo falanqaynta dhaqaalaha ee Waaxda shaqaalaha iyo warshadaha.

Xubnaha aan Soomaalida ahayn ee la shaqeeya Golaha dhaqaalaha Qaranka

Dr. Abdalla A. HAMDOKย waa ku-xigeenka xoghayaha iyo madaxa dhaqaala yahannada guddiga dhaqaalaha qaramada midoobay u qaabishan Afrika, waxa uu Ph.D. ku heestaa dhaqaalaha. Waxa uu khibrad ka badan 30 sano u leeyahay dib u habaynta haโ€™aydaha dawliga ah, dawlad wanaagga iyo maamulka Khayraadka. Waxa uu hoggaan u noqday qayba xoog leh oo daraaseeya caqabadaha soo wajaha horumarada kala duwan ee siyaasadda Afrika. Waxaa uu hoggaan u noqday qorshayaal kala duwan oo ay fuliyeen guddiga dhaqaalaha Afrika (ECA) oo khuseeya horumarinta siyaasadda maamulka, dawlad wanaagga iyo maamulka dawliga ah.

Dr. Peter J. Middlebrookย waa dhaqaale-yahan lasoo shaqeeyay Bangiga aduunka, Midawga Yurub iyo dawladda Ingiriiska, waxa uu kasoo shaqeeyay in la badan 40 dal oo dunida daafaheeda ah. Waxa uu hormuud u noqday Hindisayaal muhiim ah oo ay kamid ahayd nakhshadaynta qorshaha xasilinta carabta ee ay ku bexeysay 100 bilyan oo doollar.

Dr. Edward Sambiliย waxa uu PhD ku sameeyay dhaqaalaha; waxa uu master ku diyaariyay horumarinta iyo ganacsiga caalamiga ah. Dr. Edward Sambili waxa uu in ka badan 33 sano oo khibrada ah u leeyahay horumarinta dhaqaalaha. Waxa uu xubin ka yahay golaha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee qaramada midoobay, waa la taliyaha dhaqaalaha ee UNDP Kenya. Dr Sambili waxa uu gudoomiye kasoo noqday guddiga sare ee dakhliga Kenya intii u dhexeysay 2016 iyo 2018.

Dr Nehemiah Kipkoech Ngenoย waxa uu Ph.D. ku diyaariyay dhaqaalaha gaar ahaan dhaqaalaha caalamiga ah. Waxa uu si gaar ah khibrad ugu leeyahay siyaasadda ganacsiga, dhaqaalaha, dib u habaynta maamulka dawliga ah. Dr Nehemiah Kipkoech Ngeno waxa uu ka tirsanaa jaamacadda Nairobi laga soo billaabo 1983 isaga oo ka dhigayay dhaqaalaha caalamiga ah.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo faray Taliyeyaasha Ciidamada iney la yimaadaan Warbixin Dhameystiran oo ku aadan Amniga iyo Qaraxyadii Jimcihii+Sawirro

Next Post

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kormeeray xarunta Akadamiyadda cilmiga fanka iyo suugaanta

Next Post
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kormeeray xarunta Akadamiyadda cilmiga fanka iyo suugaanta

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kormeeray xarunta Akadamiyadda cilmiga fanka iyo suugaanta

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa heyโ€™adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In