Kulankaan oo ay iskugu yimadeen Xildhibaano ka tirsan goloha shacabka iyo ururada dhalinyarada ah ee ka jira Dalka ayaa looga hadlayay sida dhalinyarada ay uga qeyb qadanb karaan horumarka dalka sida dhalinyarada shaqo abuur loogu sameeyn lahaa,islamarkaana amniga ay ugu qeyb qaadan karaan.
Kulanka ayaa la isku dhaafsaday aragtiyo ku aadan sida loo horumarin karo dhalinyarada Soomaaliyeed, islamarkaan doorkooda ay kaqataan horumarinta dowladnimada iyo dib u dhiska dalka.
Guddoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir Cabdikaafi Maxamuud Makaraan iyo Guddoomiyaha Ururada dhalinyarada Muno Xasan Maxamed ayaa waxay sheegeen in kulanka qodobo muhiim u ah dhalinyarada ay ka soo baxeen.
Xildhibaan Cabdifatax khaasim iyo xildhibaan Maxamuud Siraaji oo labadaba ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxaay tilmaameen inay isku afgarteen in la dhiso sharci lagu hago dhalinyaradda.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda amniga Mudane Cabdinaasir Saciid Muuse ayaa sheegay in ay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku howlan tahay sidii dhalinyaradda Soomaaliyeed loogu sameeyn lahaa shaqo abuur.