Monday, March 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Banaadir oo daah furay Mashruuca horumarinta iyo shaqo abuurka Gobolka

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Banaadir oo daah furay Mashruuca horumarinta iyo shaqo abuurka Gobolka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo u hambalyeeyay Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo u hambalyeeyay Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka EAC

March 16, 2026
Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ay abaartu saameysay

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ay abaartu saameysay

March 16, 2026

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo daah furay Barnaamijka Horumarinta bilicda Caasimadda iyo shaqo abuurka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in barnaamijkan uu ku yimid Maamul wanaagga iyo qorsheyaasha horumarineed ee ka socda Gobolka.

Guddoomiyaha ayaa uga mahad-celiyey Hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobey, gaar ahaan UNDP, kaalinta maal-gelineed ee ay ka qaadanayaan hirgelinta barnaamijkan iyo kalsoonida buuxda ee ay ku qabaan hannaanka maamul ee Gobolka Banaadir.

“Barnaamijkan waxaa uu isugu jiraa labo qeybood oo muhiim u ah horumarka iyo nolasha bulshada Gobolka, labadaas qeeybood ayaa kala ah mid shaqo abuur loogu sameynayo 1000 dhallinyaro ah iyo qorshe ku saabsan dib u soo celinta bilicda iyo quruxda Caasimadda.”

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay qalab casri ah oo ay qeyb ka yihiin booyadaha nadaafadda, cagafcagafyo iyo gaadiid kale oo loogu tala galay dayactirka iyo ilaalinta fayo dhawrka Gobolka.

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay qorshaha Iftiiminta Caasimadda, iyadoona laga warbixiyey naleynta jididka 30-ka iyo Wadnaha oo la soo gaba gabeeyey, haatanna la bilaabi doono qeybaha kale ee jidadka iyo farsmagaaleyaasha Caasimadda.

Guddoomiye Yarisow ayaa ku ammaanay Bulshada Gobolka Banaadir dadaalka wadaniyadda leh ee ay mujiyeen si looga mira dhaliyo Olalaha Isxilqaan, iyadoona lagu nadiifiyey olalahaas Muqdisho Stadium, xarummaha Tiyaatarka iyo Madxafka Qaranka.

Munaasabadda daahfurka mashruucan oo lagu qabtay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madax heer Gobol iyo heer Degmo ah, saraakiisha hay’adda UNDP iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Banaadir.

Previous Post

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo maanta daah furtay Ololaha Talaalka Ariga “SAWIRRO”

Next Post

Bahda garsoorka dalka oo xusay dhalasha Nabigeenna Muxammed NNKH

Next Post
Bahda garsoorka dalka oo xusay dhalasha Nabigeenna Muxammed NNKH

Bahda garsoorka dalka oo xusay dhalasha Nabigeenna Muxammed NNKH

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo u hambalyeeyay Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo u hambalyeeyay Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka EAC

March 16, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa u hambalyeeyey wakiilada Xildhibaanada ah...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ay abaartu saameysay

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ay abaartu saameysay

March 16, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA) iyo Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐋𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐇𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐍𝐚𝐟𝐚𝐪𝐨-𝐝𝐚𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐝𝐡𝐚𝐥𝐚𝐭𝐚𝐲

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐋𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐇𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐍𝐚𝐟𝐚𝐪𝐨-𝐝𝐚𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐝𝐡𝐚𝐥𝐚𝐭𝐚𝐲

March 16, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay xaaladda abaaraha dalka...

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

March 16, 2026
0

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ka howlgala caasimadda dalka, ayaa ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In