Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka Asluubta ka qaaday Imtixaan aqoon guud ah, kaasi oo lagu hubinayo aqoonta Saraakiisha, si loo kala saaro.
Qeybta koowaad ee Imtixaanka ayaa maanta waxaa u fadhiistay Xidigle ilaa iyo Dhamme, waxaana lagu kala qabtay Taliska guud ee Ciidanka Asluubta iyo xabsiga dhexe ee Xamar.
Guddiga loo xilsaaray in ay diyaariyaan Imtixaanka ayaa kor joogto ka ahaa goobaha uu Imtixaanka ka socday.
Ujjeedka Imtixaanka ayaa Taliska Ciidanka Asluubta waxa uu ku sheegay inย la hubinayo Aqoonta Saraakiisha sare iyo kuwa hoose ee Ciidanka, si kii ay wax ka dhimman yihiin dhanka Qibradda loogu diro Koorso Ciidan oo dalka Gudahiisa ama dibadiisa ah.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac โKeynaanโ ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Ciidanka Imtixaanka looga qaadayey, isaggoo soo indho indheeyey sida ay u socdaan howlahaasi.
Qeybta Labaad ee Intixaanka ayaa dhawaan bilaaban doona, waxaa u fariisan doono Saraakiisha sare ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.