Wednesday, September 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Cadaaladda XFS oo Muqdisho ka furay shir looga hadlayo sharciga adeega kaalmada dalka

admin by admin
November 26, 2018
in Wararka
0
Wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaraha oo tababar u qabatay ururrada Dhalinyarada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025

 Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka billaha ee sharciga adeega kaalmada dalka,waxaana ka qeyb galay xubno ka socday Hay’adaha kala duwan ee Garsoorka dalka.

Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa Shirka maanta u furay bahda cadaaladda dalka,isagoona kula dar daarmay in ay si hufan uga doodaan qodobada muhiimka ah ee horyaala, isla markaana laga soo saaro dood muhiim u ah Garsoorka Wasaaraduna ay dhageysan doonto.

“Shirkaan aan bishiiba mar iskugu imaano waxaa looga hadlaa kaalmada sharciga waxaad halkaan u joogtaan inaad ka doodaan barnaamijkaas iyo tayeynta guud ahaan hay’adaha cadaaladda dalka, wasaaraddu waxaa ay dhageysan doontaa doodaha aad keentaan” ayuu yiri Wasiir Xuseen.

Mudane Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka cadaaladda Xukuumadda Federaalka wuxuu sheegay in Wasaaraddu diyaarisay Sharciga  adeega kaalma sharciyeedka oo uu hadda marayo heer gaba-gaba ah, isla markaana dhawaan la horgeyn doono Xukuumadda ka dibna Baarlamaanka.

“Waxaan la diyaariyay qabyo qoraalka sharciga Kaalmada ,Sharciga waxaa uu hadda ku jiraa wadatashi, Wasaaradda ayaa diyaarisay waxaan horgeyn doonaa Golaha wasiirada, ka dibna golaha Baarlamaanka ujeedka laga leeyahay waa in qof walba helo xuquuq sharciyeed,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka dalka waxaa ay dhawaana-haanba ku howlaneed sidii loo hormari lahaa adeegyada garsoorka ee ay bulshadu u baahan tahay,shirkaani uu qayb ka yahay wada tashiyada barnaamijkaas lagu horumarinayo.

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baladweyne

Next Post

Ciidamada amniga oo gacanta ku dhigay dhagar-qabe waday gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay

Next Post
WAR DEG DEG:- Qarax ka dhacay Magaalada Kismaayo

Ciidamada amniga oo gacanta ku dhigay dhagar-qabe waday gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo ka jawaabaya dareenka shacabka Soomaaliyeed, oo ka cabanayay in la...

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka,...

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗶𝗺𝗶𝗹l𝗮𝗱𝗮

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗶𝗺𝗶𝗹l𝗮𝗱𝗮

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa ka qeyb galay shir heer sare ah oo lagu...

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

September 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed uga jawaabayey su’aalo la xiriirra waxyaabaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In