Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Barnaamijka Carabiyaynta Dastuurka KMG ah oo la daah-furay+ Sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Barnaamijka Carabiyaynta Dastuurka KMG ah oo la daah-furay+ Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka   Soomaaliya ayaa Maanta oo Khamiis ah qabatay munaasabad lagu daah-furayay Barnaamijka Carabiyaynta Dastuurka KMG ah oo ay ka soo qeybgaleen Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dastuurka iyo Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Ugu horeeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa ka warbixiyay hawshii soo qabsoontay ee la xiriirtay carabiyaynta Dastuurka KMG ah, isagoo ka qeybgalayaasha u soo bandhigay nuqul kamid ah Dastuurka KMG ah oo loo turjumay Afka Carabiga.

Dhanka kale, Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Mudane Xamud Bin Samraan ayaa sheegay in ay dadka Soomaaliyeed la garabtaaganyihiin caawinaad joogta ah, gaar ahaana inay door muuqda ka qaadan doonaan hawlaha dhameystirka Dastuurka.

“Waxa aan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ku ammaanayaa hawsha baaxadda leh ee ay dadka Soomaaliyeed u heyso, waxaan u mahadcelinayaa guddiga Soomaaliyeed ee muddo afar bil ah ka shaqeeyay in Dastuurka KMG ah ee JFS loo turjumo Afka Carabiga. Waxa aan idinku taageereynaa howsha adag ee dadka Soomaaliyeed aad u heysaan ee ah dhameeystirka Dastuurka KMG ah” ayuu yiri Safiir Xamud.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa Safiirka Jaamacadda Carabta uga mahadceliyay doorka uu ka qaatay carabiyaynta Dastuurka.

“Marka hore waxaan ka mahadnaqeynaa dedaalka iyo waqtigii uu Safiirka Jaamacadda Carabta geliyay barnaamijka carabiyaynta Dastuurka; waa howl muhiim ah oo dhaxal u ah dadka Soomaaliyeed. Luqadda labaad ee dalka waa afka-carabiga sida uu Dastuurka uu qorayo, waxaanu ka shaqeyneynaa in Dastuurka uu noqdo mid Afka-carabiga muhiimad siiya” ayuu yiri Dr. Xuseen Cabdi Cilmi.

Ugu damabayn, Wasiir Ku-Xigeenka ayaa Safiirka ka gudoomay nuqul kamid ah Dastuurka KMG ah ee JFS oo ku qornaa Afka-Carabiga.

Previous Post

Guddoomiye Ku xigeenka Amniga Gobolka Banaadir oo kormeeray Koontaroolada Ciidamada amniga “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiye Yariisow iyo dhiggiisa Magaalada Nairobi oo kulan muhiim ah yeeshay

Next Post
Guddoomiye Yariisow iyo dhiggiisa Magaalada Nairobi oo kulan muhiim ah yeeshay

Guddoomiye Yariisow iyo dhiggiisa Magaalada Nairobi oo kulan muhiim ah yeeshay

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Go'aan kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada...

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray go’aanno rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Khawaarij waaweyn ay si toos ah ula...

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In