Friday, December 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaalida Ohio iyo Dowladda hoose oo wada shaqeyn dhow yeeshay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Soomaalida Ohio iyo Dowladda hoose oo wada shaqeyn dhow yeeshay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan wada tashi ah oo ay yeesheen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka iyo Dowladda hoose ee Columbus Ohio ayaa lagu qabtay xarunta Isbitaalka Capital Park Family Healthcare Cente.

Kulankan oo uu Halku dhiggiisu ahaa ” Aan wada hadalno” Lat’s Talk, ayaa looga hadlay sidii loo abuuri lahaa is dhexgal iyo in Jaaliyadda Soomaaliyeed ay si dhab ah ula xariiri karaan hay’adaha dowlada, iyo in xal loo helo cabashooyinka Jaaliyadda oo ay ka mid tahay sidii loo dabageli lahaa sababta keenta dilalka dhalinyarada Soomaaliyeed iyo cidda ku lugta leh, in lala shaqeeyo dhalinyarada, arimaha waxbarashada,Guryaha, dhiirigalinta ganacsiga, la dagaalanka daroogada  iyo qodobbo kale.

Related posts

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025

Xubnaha la kulmay Soomaalida oo ah xubnihii ku soo baxay doorashadii u danbaysay waxa ay ka jawaabayeen sidii ay Soomaalidu codkooda u siiyeen iyo in ay yihiin Dad hal abuur iyagoo koror dhaqaale oo muuqda ku leh Gobolka.

Waxaa kulankan qeyb ka ahaa, wada hadallo iyo su’aalo gooni gooni ah oo la weydiinayay masuuliyiintii ka socday Dowlada, waxanay xubnihii u hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed bogaadiyeen kulankan, iyagoo sheegay in Soomaalida Ohio dagta aysan ahayn kuwo cayr qaata balse ay yihiin kuwo bixiya canshuur aad u sarreysa.

Madaxda ayaa si gooniya ula shiray Dhalinyarada, waxayna is barasho kadib ku dhiirri geliyeen in ay yihiin mustaqbalkii Gobolka sidaa darteedna ay ka qeyb qaataan amniga, dhismaha iyo isdhexgalka, kana faa’iideystaan fursadaha jira oo qeyb ay ka tahay  ka qaybgalka siyaasadda iyo Xafiisyada Dowladda oo ay imminka ka shaqeeyaan shaqsiyaad kooban.

Hay’ado, Ururro, iyo ganacsato ayaa fursad u helay in ay madaxda kala hadlaan caqabadaha ku gadaaman howlahooda, iyaga oo helay balanqaadyo kala duwan.

Mas’uuliyiinta ka socda Dowladda hoose iyo midda Gobolkaba waxa ay u badnaayeen Dhalinyaro ku soo baxay doorashooyinkii u danbeeyay iyaga oo xilligii ay tartamayeen,  codkooda weydiistay Soomaalida degan gobolka, Ohio,islmarkaana doorashada ku guuleystay.

Kulankan oo xiiso gooniya u lahaa Soomaalida iyo Dowlada hoose waxa uu abuurayaa wada shaqeyn dhow oo ay Labada dhinac yeeshaan.

Deeqo Shire (SONNA)

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Shir lagu xoojinayo xiriirka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Turkiga oo maalintii labaad ka socda Istanbul.

Next Post
Shir lagu xoojinayo xiriirka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Turkiga oo maalintii labaad ka socda Istanbul.

Shir lagu xoojinayo xiriirka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Turkiga oo maalintii labaad ka socda Istanbul.

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

December 19, 2025
0

Muqdisho(SONNA):-Booliska Soomaaliya oo diyaargarow ugu jira Xuska Sanad Guurada 82-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Taliyaha Ciidanka...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In