Wednesday, April 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaalida Ohio iyo Dowladda hoose oo wada shaqeyn dhow yeeshay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Soomaalida Ohio iyo Dowladda hoose oo wada shaqeyn dhow yeeshay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan wada tashi ah oo ay yeesheen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka iyo Dowladda hoose ee Columbus Ohio ayaa lagu qabtay xarunta Isbitaalka Capital Park Family Healthcare Cente.

Kulankan oo uu Halku dhiggiisu ahaa ” Aan wada hadalno” Lat’s Talk, ayaa looga hadlay sidii loo abuuri lahaa is dhexgal iyo in Jaaliyadda Soomaaliyeed ay si dhab ah ula xariiri karaan hay’adaha dowlada, iyo in xal loo helo cabashooyinka Jaaliyadda oo ay ka mid tahay sidii loo dabageli lahaa sababta keenta dilalka dhalinyarada Soomaaliyeed iyo cidda ku lugta leh, in lala shaqeeyo dhalinyarada, arimaha waxbarashada,Guryaha, dhiirigalinta ganacsiga, la dagaalanka daroogada  iyo qodobbo kale.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

In ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta oo howlgallo lagu dilay

April 21, 2026
Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

April 21, 2026

Xubnaha la kulmay Soomaalida oo ah xubnihii ku soo baxay doorashadii u danbaysay waxa ay ka jawaabayeen sidii ay Soomaalidu codkooda u siiyeen iyo in ay yihiin Dad hal abuur iyagoo koror dhaqaale oo muuqda ku leh Gobolka.

Waxaa kulankan qeyb ka ahaa, wada hadallo iyo su’aalo gooni gooni ah oo la weydiinayay masuuliyiintii ka socday Dowlada, waxanay xubnihii u hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed bogaadiyeen kulankan, iyagoo sheegay in Soomaalida Ohio dagta aysan ahayn kuwo cayr qaata balse ay yihiin kuwo bixiya canshuur aad u sarreysa.

Madaxda ayaa si gooniya ula shiray Dhalinyarada, waxayna is barasho kadib ku dhiirri geliyeen in ay yihiin mustaqbalkii Gobolka sidaa darteedna ay ka qeyb qaataan amniga, dhismaha iyo isdhexgalka, kana faa’iideystaan fursadaha jira oo qeyb ay ka tahay  ka qaybgalka siyaasadda iyo Xafiisyada Dowladda oo ay imminka ka shaqeeyaan shaqsiyaad kooban.

Hay’ado, Ururro, iyo ganacsato ayaa fursad u helay in ay madaxda kala hadlaan caqabadaha ku gadaaman howlahooda, iyaga oo helay balanqaadyo kala duwan.

Mas’uuliyiinta ka socda Dowladda hoose iyo midda Gobolkaba waxa ay u badnaayeen Dhalinyaro ku soo baxay doorashooyinkii u danbeeyay iyaga oo xilligii ay tartamayeen,  codkooda weydiistay Soomaalida degan gobolka, Ohio,islmarkaana doorashada ku guuleystay.

Kulankan oo xiiso gooniya u lahaa Soomaalida iyo Dowlada hoose waxa uu abuurayaa wada shaqeyn dhow oo ay Labada dhinac yeeshaan.

Deeqo Shire (SONNA)

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Shir lagu xoojinayo xiriirka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Turkiga oo maalintii labaad ka socda Istanbul.

Next Post
Shir lagu xoojinayo xiriirka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Turkiga oo maalintii labaad ka socda Istanbul.

Shir lagu xoojinayo xiriirka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Turkiga oo maalintii labaad ka socda Istanbul.

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

In ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta oo howlgallo lagu dilay

April 21, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu dilay in ka badan...

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

April 21, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu dadweynaha ku wargelinayaa in xogta rasmiga ah ee la xiriirta howlaha baarista, hantidhowrista,...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

April 21, 2026
0

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga ugu gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kirgistaan, Mudane Sadyr Japarov, isagoo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

April 21, 2026
0

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In