Monday, August 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

3-dii December 2009-kii maalin xambaarsan murugo.

admin by admin
December 3, 2018
in Wararka
0
3-dii December 2009-kii maalin xambaarsan murugo.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maanta oo kale 3-dii December ee 2009-kii waa maalin xusuus gaar ah u leh umadda Soomaaliyeed kadib markii Qarax lala beegsaday munaasabad qalinjibin ah oo ay ka qeyb-galaayeen arday ka qalin jebinaysay jaamacadda Banaadir, macallimiinta jaamacadda, waalidiin iyo xubno ka socdey dowladii KMG aheyd, taasoo ka dhaceysay hotelka Shaamow ee Muqdisho.

Dadka maalintaasi ku dhintay qaraxaasi dhaf halagnimada ahaa waxaa ka mid ahaa Wasiirkii caafimaadka Drs Khamar Aadam, Wasiirka tacliinta sare Ibrahim Caddow, wasiirkii waxbarashada Axmed Cabdulaahi Waayeel, Suxufiyiin, Arday, waalidiin, iyo dhaqaatiir caan ah sida Professor Maxamed Aadan oo loo yaqiin Dr.Shahiid.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo ka warbixiyey safaro uu ku tegay dalal dhowr ah

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo ka warbixiyey safaro uu ku tegay dalal dhowr ah

August 3, 2025
Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

August 3, 2025

Sidoo kale dad u badnaa ardaydii qalin jebinaysay iyo waalidiintii ka soo qeyb-gashay Xafladaasi qalin jibinta aheyd ayaa ku dhaawacmay Xasuuqaas ay geesteen Kooxda Argagixisada ee Alshabaab.

Argagixisada waxay ka soo horjeedaan Sunnadii  Eebe u abuuray aduunka, waxayna ku faanaan burburinta nolosha guud ee umadda Soomaaliyeed, waxaana malahoodu yahay in ay Fitnadaasi Alle ugu dhawaanayaan, balse xaqiiqdu taas waa ka duwan tahay oo Camalka wanaagsan ee Alle loogu dhawaado waa tan lagu badbaadiyo nolosha aadanaha, xoolahooha iyo waxyaabaha kale ee ay gaarka u leeyihiin ,tan kale acmaasha wanaagsan waa tan ka hor tagta  dhaqamada horseedi kara burburka iyo halaagga.

Culimada Soomaaliyeed,Culumada Al-Azhar Al-shariif ee Dalka Masar iyo kuwa kale ee Caalamka Muslimiinta ayaa marar badan ka hadlay dhaqanada xun xun ee Maleeshiyaadka Argagixisada ay ku dhibaateeyaan Dadka Muslimiinta,iyagoo sheegay inay baal marsan yihiin Diinta Islaamka ee suuban.

Hadaba Kooxahan dhagar-qabaaysha ah oo had iyo jeer u taagan daadinta dhiigga Umadda Soomaaliyeed waxaa la isla gartay in ay yihiin cadaw waxaana haboon in meel looga soo wadajeesto oo gacan xoogan la siiyaa soo-majeestayaasha Ciidankeena Qaran oo hadda kujra Howlgallo ka dhan ah Argagixisada ayagoo khaarajiyay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Kooxahan.

Previous Post

Ciidamada ammaanka Galmudug oo ku raad jooga kooxo hubeysan oo gaari ku rasaaseeyay Godinlabe

Next Post

Wasiir Cabdi Xoosh oo soo xiray shirka Banbaxa Sanadeedka ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka

Next Post
Wasiir Cabdi Xoosh oo soo xiray shirka Banbaxa Sanadeedka ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka

Wasiir Cabdi Xoosh oo soo xiray shirka Banbaxa Sanadeedka ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo ka warbixiyey safaro uu ku tegay dalal dhowr ah

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo ka warbixiyey safaro uu ku tegay dalal dhowr ah

August 3, 2025
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa gudoomiyay kulan muhiim ah oo lagu soo...

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

August 3, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta ka fuliyay howlgal qorsheysan oo amni xaqiijin ah deegaanada Deegaanleey, Muryaale iyo Ceelka Waranle ee...

Magacaabista Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee Soomaaliya

Magacaabista Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee Soomaaliya

August 3, 2025
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Magacaabista Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee...

Guddoomiye Muungaab oo xilka u kala wareejiyay Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo midkii hore

Guddoomiye Muungaab oo xilka u kala wareejiyay Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo midkii hore

August 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xilka u kala wareejiyay Mudane Cabdimajiid Daahir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In