Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Kheyre “Inta aan anagu joogno xukunka, waxaan idiin balan qaadayaa in aanan  aqbali doonin in nala cabsiiyo”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Kheyre “Inta aan anagu joogno xukunka, waxaan idiin balan qaadayaa in aanan  aqbali doonin in nala cabsiiyo”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo xalay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qatar la hadlayay ayaa hoosta ka xariiqay in Jaaliadda looga baahanyahay iney ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo Horumarka ka socda dalka, waxaana uu warbixin ka siiyey xaaladdaguud ee  Dalka iyo Horumarada Dowladdu ay ka sameysay dhinacyada Amniga, ladagaallanka musuq Maasuqa, Koboca dhaqaalaha iyo qodobo kale oo muhiim ah.

 

Related posts

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

December 23, 2025
Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada FS ayaa sheegay in dawladda Qatar ay wada gaareen heshiisyo waaweyn oo kor loogu qaadayo horumarka iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.

Waxaa uu sheegay Ra”iisul Wasaare Khayre in la bilaabayo inta aanu sanbadkan dhamaan dhismaha wadooyinka Muqdisho ku xira Afgooye iyo Jowhar, ayna ku xigi doonaan dhismaayasha Wasaaradda Qorshaynta, xarunta Xisbiga iyo mashaariic kale.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre  oo la hadlaayay Jaaliyadda Somaliyed ee dalka Qatar ayaa yiri. “Inta aan anagu joogno xukunka, waxaan idiin balan qaadayaa in aanan  aqbali doonin in nala cabsiiyo, inaan aqbali doonin in dariiqa saxda ah nala ka leexiyo, in aanan aqbali doonin in nala yiraahdo nala shaqeysta haddii kale waan idinka ridayna, inta aan anagu madaxna nahay anigoo ku hadlaayo kayga iyo kan Madaxweynaha JFS waxaan idiin sheegi doonaa Sharafta aan raadinayno kama raadinayno Qab qablayaal ee waxaan ka raadinaynaa shacabka Soomaaliyeed”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaa ku daray in Qatar iyo Soomaaliya si dhaw isaga kaashanayaan dhinacyada gaadiidka cirka iyo dhulka, taas oo wax wayn ku soo kordhinaysa dhaqaalaha Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Shacabka Caasimadda uga Mahadceliyay Soo Dhaweynta Wafdigii Eriteriya iyo Dulqaadka ay Muujiyeen

Next Post

Dowladda Eretria oo bogaadisay dhismaha iyo tayeynta hay’adaha amniga Soomaaliya

Next Post
Dowladda Eretria oo bogaadisay dhismaha iyo tayeynta hay’adaha amniga Soomaaliya

Dowladda Eretria oo bogaadisay dhismaha iyo tayeynta hay'adaha amniga Soomaaliya

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

December 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenkii hore ee dalka Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
0

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah yeeshay ayaa ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025
0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayey kuwa Sirdoonka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheeysan oo lagu naafeynayey khawaariijta ka...

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

December 23, 2025
0

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanno iyo degmooyin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In