Sunday, June 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Waxbarashada oo la kulmay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Waxbarashada oo la kulmay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Mudane Cabadullaahi Goodax Bare ayaa maanta ku soo dhaweeyay Xafiiskiisa Safiirka Cusub ee dawladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya Danjire Khalafalaah Mustafa Baabikir, waxa ay ka wada hadleen xiiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeyo labada dal.

Related posts

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

June 28, 2026
Dalka Australia oo looga dabaaldegay maalinta xornimada Jabuuti

Dalka Australia oo looga dabaaldegay maalinta xornimada Jabuuti

June 28, 2026

Safiirka Dowladda Suudaan ayaa soo dhaweyay horumarka ay Wasaaraddu ka samaysay dhanka horumarinta manaahijta, Imtixaanaadka iyo guud ahaan waxbarashada dalka.

‘’Waxaan soo dhaweynaa horumarka Dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dhanka waxbarashada, Dowladda Suudaan waxa ay diyaar u tahay markasta in ay caawiso ardayda Soomaaliyeed iyo in aan kordhino Deeqaha waxbarasho oo ay helaan ardayda Soomaaliyeed” ayuu yiri Safiirka cusub Suudaan u fadhiya Soomaaliya Khalafalaah Mustafa Baabikir.

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta sare Mudane Cabdullaahi Goodax Bare ayaa bogaadiyay Xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeyo Suudaan iyo Soomaaliya.

“Waxaan maanta xafiiskeeyga ku soo dhaweyay Safiirka Cusub ee Dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya Khalafalaah Mustafa Baabikir, waxaan kawada hadalnay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ayadoo aan ognahay in ku dhawaad 7,000 oo arday Soomaaliyeed ay wax ku bartaan dalka Suudaan iyo sidii Ardayda Soomaaliyeed ee sanadkaan Suudaan Waxbarashada ka helay loogu fududeyn lahaa hawlahooda”. ayuu yiri Wasiir Goodax.

Safiirka Dowladda Suudaan waxa uu soo dhaweeyay horumarka ay Wasaaradda Waxbarashada  ay ka sameysay manaahiijta iyo Imtixaanadka iyo guud ahaanba Waxbarashada dalka,

Waxa kale oo aan ka wada hadalnay in dib loo soo celiyo xiriirka dhanka Hiddaha iyo dhaqanka si fanaaniinta Suudaaniyiinta ah ay u yimaadaan Soomaaliya sidii beri samaadkii oo kale.

Ka Wasaarad ahaan Waxaa naga go’an in ardayda Soomaaliyeed ay gaaraan hamigooda ah in ay Waxbartaan.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Daahfuray Kulan looga hadlayay Qorshaha isku dhafka Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya

Next Post

Musharax Aadan Saran soor oo shaaciyay in doorasho xalaal ah ay ka dhacday Koonfur Galbeed “Dhageyso”

Next Post
Musharax Aadan Saran soor oo shaaciyay in doorasho xalaal ah ay ka dhacday Koonfur Galbeed “Dhageyso”

Musharax Aadan Saran soor oo shaaciyay in doorasho xalaal ah ay ka dhacday Koonfur Galbeed "Dhageyso"

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

June 28, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Burkina Faso, Danjire Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Macdanta iyo...

Dalka Australia oo looga dabaaldegay maalinta xornimada Jabuuti

Dalka Australia oo looga dabaaldegay maalinta xornimada Jabuuti

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Sanad-guurrada 49-aad ee Xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa si weyn looga dabaaldegay magaalada Melbourne ee dalka Australia, halkaas oo ay...

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Carabta

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Carabta

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, ayaa maanta kulan la qaatay Xoghayaha...

Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray magaalada Baydhaba

Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray magaalada Baydhaba

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In