Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Waxbarashada oo la kulmay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 19, 2018
in Wararka
0
Wasiirka Waxbarashada oo la kulmay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Mudane Cabadullaahi Goodax Bare ayaa maanta ku soo dhaweeyay Xafiiskiisa Safiirka Cusub ee dawladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya Danjire Khalafalaah Mustafa Baabikir, waxa ay ka wada hadleen xiiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeyo labada dal.

 

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Safiirka Dowladda Suudaan ayaa soo dhaweyay horumarka ay Wasaaraddu ka samaysay dhanka horumarinta manaahijta, Imtixaanaadka iyo guud ahaan waxbarashada dalka.

‘’Waxaan soo dhaweynaa horumarka Dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dhanka waxbarashada, Dowladda Suudaan waxa ay diyaar u tahay markasta in ay caawiso ardayda Soomaaliyeed iyo in aan kordhino Deeqaha waxbarasho oo ay helaan ardayda Soomaaliyeed” ayuu yiri Safiirka cusub Suudaan u fadhiya Soomaaliya Khalafalaah Mustafa Baabikir.

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta sare Mudane Cabdullaahi Goodax Bare ayaa bogaadiyay Xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeyo Suudaan iyo Soomaaliya.

“Waxaan maanta xafiiskeeyga ku soo dhaweyay Safiirka Cusub ee Dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya Khalafalaah Mustafa Baabikir, waxaan kawada hadalnay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ayadoo aan ognahay in ku dhawaad 7,000 oo arday Soomaaliyeed ay wax ku bartaan dalka Suudaan iyo sidii Ardayda Soomaaliyeed ee sanadkaan Suudaan Waxbarashada ka helay loogu fududeyn lahaa hawlahooda”. ayuu yiri Wasiir Goodax.

Safiirka Dowladda Suudaan waxa uu soo dhaweeyay horumarka ay Wasaaradda Waxbarashada  ay ka sameysay manaahiijta iyo Imtixaanadka iyo guud ahaanba Waxbarashada dalka,

Waxa kale oo aan ka wada hadalnay in dib loo soo celiyo xiriirka dhanka Hiddaha iyo dhaqanka si fanaaniinta Suudaaniyiinta ah ay u yimaadaan Soomaaliya sidii beri samaadkii oo kale.

Ka Wasaarad ahaan Waxaa naga go’an in ardayda Soomaaliyeed ay gaaraan hamigooda ah in ay Waxbartaan.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Daahfuray Kulan looga hadlayay Qorshaha isku dhafka Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya

Next Post

Musharax Aadan Saran soor oo shaaciyay in doorasho xalaal ah ay ka dhacday Koonfur Galbeed “Dhageyso”

Next Post
Musharax Aadan Saran soor oo shaaciyay in doorasho xalaal ah ay ka dhacday Koonfur Galbeed “Dhageyso”

Musharax Aadan Saran soor oo shaaciyay in doorasho xalaal ah ay ka dhacday Koonfur Galbeed "Dhageyso"

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In