Saturday, June 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gaalkacyo: Dhallinyaro la baray xirfado ay ku shaqeystaan oo la guddoonsiiyay Shahaadooyin “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Gaalkacyo: Dhallinyaro la baray xirfado ay ku shaqeystaan oo la guddoonsiiyay Shahaadooyin “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ilaa saddex boqal oo dhallinyara ah isugu jiaray wiilal iyo gabdho ka faa’iideestay waxbarasho ku aadaneyd barashada xirfado ay ku shaqeysan karaan oo ay si lacag la’aan ah ugu tabaruceen hay’adaha Daryeel iyo SOSDA ayaa maanta la guddoonsiiyay shahaadooyin.

Related posts

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

June 27, 2026
Garsoore Cumar Cartan oo dalka Kuwait uga qaybgalaya dhex-dhexaadinta kulan-ciyaareedka horyaalka Zain Premier League

Garsoore Cumar Cartan oo dalka Kuwait uga qaybgalaya dhex-dhexaadinta kulan-ciyaareedka horyaalka Zain Premier League

June 27, 2026

Munaasabada shahaadooyinka lagu guddoonsiinayay dhallinyaradaan oo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan kuwa Galmudug ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Maxamed Daahir Aadan oo machadka tababarada xirfahada ee Mudug ayaa sheegay in xirfadaha ay barteen ay ka mid ahaayeen korantada, Makaanikada Baabuurta. Kumbuyuutarka iyo Luuqadda Englishka, isla markaana ay si lacag la’aan ah lagu barayay xirfadahaasi, isagoo dhanka kalena xusay in ay yihiin dufcadii 8aad ee nasiib u yeelata in ay ka qalin jabiyaan xarunta tababarka xirfadaha ee Mudug intii howshaan ay hayeena kuwa dhanka dhaqaalaha ay ka saacidayeen labada Hay’addood ee Daryeel iyo SOSDA.

Cumar Maxamuud Rooble oo ka mid ah Masuliyiinta Hay’addaha mashruucaan iska kaashaday ayaa isna ku booriyay dhalinyradu in ay ka faa’iideeystaan xirfadaha ay barteen.

Munaasabada oo sidoo kale intii ay socatay ay ka hadleen Masuuliyiin kala duwan ayaa waxaa gunaanadkii ka hadlay duqa Degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre iyo isku duwaha Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ee Gobakla Mudug Axmed Jaamac Aadan waxayna ugu horeyn u mahad celiyeen Hay’addihii howshaan taaba galinteeda iska kaashaday, iyagoo ku tilmaamay in ay tahay midii looga baahnaa dowlada balse daruufaha dalka ka jira ay noqan weysay mid suurta gasha inkastoo Wasaaradda Waxbarashada dowlada federaalka ay wado dadaalo ku aadan sidii ubadka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen Waxbarasho lacag la’aan taas oo ah mid ay xaq u leeyihiin

Waxaa Qoray Wariye C/risaaq Maxamed Axmed (Galkacyo)

Previous Post

Ciidamada ammaanka oo soo qabtay xubin sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Next Post

Qoysas ka soo cararay deegaannada Al-Shabaab oo ciidamada DANAB gaarsiiyeen deeq raashin ah “SAWIRRO”

Next Post
Qoysas ka soo cararay deegaannada Al-Shabaab oo ciidamada DANAB gaarsiiyeen deeq raashin ah “SAWIRRO”

Qoysas ka soo cararay deegaannada Al-Shabaab oo ciidamada DANAB gaarsiiyeen deeq raashin ah "SAWIRRO"

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa maalmihii la soo dhaafay fuliyay duqeymo is xigxigay oo lagu...

Garsoore Cumar Cartan oo dalka Kuwait uga qaybgalaya dhex-dhexaadinta kulan-ciyaareedka horyaalka Zain Premier League

Garsoore Cumar Cartan oo dalka Kuwait uga qaybgalaya dhex-dhexaadinta kulan-ciyaareedka horyaalka Zain Premier League

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa gaaray dalka Kuwait, kadib martiqaad rasmi ah oo uga yimid...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jabuuti kaga qayb galaya munaasabadda 27-ka JUN

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jabuuti kaga qayb galaya munaasabadda 27-ka JUN

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti,...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo soo gabagabeeyay safarkiisii shaqo ee Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaare Xamse oo soo gabagabeeyay safarkiisii shaqo ee Dhuusamareeb

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo gabagabeeyay safar shaqo oo laba maalmood qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In