Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sare u kac ku yimid qiimaha lakala siisto Kalluunka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Sare u kac ku yimid qiimaha lakala siisto Kalluunka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kawaanka Kalluunka Degmada Xamar weyne ayaan oolin maanta kalluun fara badan  waxaana laga dareemayay kallun yari,  iyadoo  ganacsatada kalluunka iyo dadka iibsada ay kuu sheegayaan inay tahay sara u kaca ku yimid qiimaha kalluunka.

 

Related posts

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟔𝟓-𝐆𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐨𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟔𝟓-𝐆𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐨𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

December 16, 2025

Kawaanka Kalluunka Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir oo lagu iibiyo kalluunka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa looga yimaadaa  si looga iibsado kalluunka  Degmooyinka Gobolka iyo qaar ka mid ah Gobolada, waxaana laga dareemayaa  sara u kac ku yimid qiimaha  la kala iibsado kalluunka,  taasi oo sabab u ah  dabeylo ka kacay badda gudaheeda  oo aan awoodin  doomaha kalluumeysiga in si fudud ay ugu soo jalaabtaan kallunka xeebaha Soomaaliya oo ay kala kulmaan  caqabado dhinaca  Kallumeysiga ah.

Doomanka iskaashatada kalluumeysatada ayaa sheegay in xilliyada dabeylaha ay ka kacaan  iyo cadada bisha marka la gaaro ay  kala kulmaan  jalaabashada kalluunka  dhibaatooyin aad u fara badan, waxeyna tilmaameen in mararka qaar ay doonta  rogmato dabeylaha xoogan iyo muujadaha ku dhufta doonta awgeed,  isla markaana aysan awoodin in meelahii horay ay ugu soo jalaaban jireen ay gaaraan.

Kalluunka ayaa waxaa laga isticmaalaa dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho waxaana sara u kaca ku yimid qiimaha kalluunka uu yahay mid aad baahsan sida ay sheegeen qaar ka mid ah kalluumeysatada halkii xilliyadii  hore qiimaha  kalluun uu ahaa 5$ doolar ayaa  hada waxa uu ka joogaa 30$ doolarka Mareykanka

Qaar ka mid ah kalluumeysatada ku ganacsada  kawaanka kalluunka ee degmada Xamar weyne  ayaa  sheegay in saameynta ugu weyn ay tahay dabeylo xoogan oo kacay awgeed.

Xilliyadaan oo kale marka ay ka kacaan dabeylaha ayaa waxaa yaraada wax soo saarka badda, taasi oo saameyn ku yeelata  kalluumeysata ka ganacsada iyo dadka ka macaasha kalluunka intuba.

Muuse Cismaan Abtow

Previous Post

Hooyo Suldaano Bare, Bulshadu wayday.!!!

Next Post

Wasiir Beyle oo warbixin ku aadan horumarka iyo hagaajinta hanaanka maaliyadda siiyay Madaxweynaha JFS

Next Post
Wasiir Beyle oo warbixin ku aadan horumarka iyo hagaajinta hanaanka maaliyadda siiyay Madaxweynaha JFS

Wasiir Beyle oo warbixin ku aadan horumarka iyo hagaajinta hanaanka maaliyadda siiyay Madaxweynaha JFS

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa magaalada Muqdisho maanta tababar uga furay ku dhowaad 90...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟔𝟓-𝐆𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐨𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟔𝟓-𝐆𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐨𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

December 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xuska 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

December 16, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga...

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

December 16, 2025
0

Guddiga Madaxa banaan ee Dib- u- eegista Dastuurka ayaa Kulan Latashi hordhac ah oo ku saabsan Cutubka Maaliyadda oo la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In