Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Garsooreyaal ka tirsan Maxkmadda Sare ee dalka, keddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed.
Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah:
โชย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Garyaqaan Xasan Cabdinuur Cabdirixmaan.
โชย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Garyaqaan Abuukar Axmed Cali (Qasaali).
โชย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Garyaqaan Cabdulqaadir Idiris Ciise.
โชย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka.
Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku saleeysan dardar gelinta Golaha Adeegga Garsoorka iyo wax ka qabashada cabshooyinka dhanka cadaaladda ee ka yimid Muwaadiniinta Soomaaliyeed