25 arday oo baratay culuumta badda ayaa maanta ka qalin jebisay Academiyada Culuumta badda ee Khalif Macow ee magaalada Muqdisho, iyada oo ay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ka qayb gashay Munaasabadaasi.
Munasabbada Qalin jebinta waxaa ka qayb-galay Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare dowladda Soomaaliya, Mudane Faysal Cumar Guleed, Gudoomiyaha Maxkamadda Gobalka Benaadir, Muuse Macalin Maxamed, Guddoomiyaha hay’adda Cilmi Baarista Baddaha Soomaaliyeed, Admiral Prof. Farax Axmed Cumar ‘Qare’ iyo marti sharaf kale
” Aad ayaan uga farax sanahay in aan ka faa’ideysto mudada hal sano ee aan dhiganayey Academiyada oo culuumta baddaha iyo sharciyadeeda ka bartay, waana cilmi farsamo oo aan ku shaqaysan doono, waan mahad celinaya dhamaan macalintii wax na bartay”, Kamaal Xuseen Dalmar oo ku hadlayey magaca ardada ka qalin jebisay Academiyada ayaa sidaa yiri.
Prof. Faarax Qare ayaa sheegay in meel hoose ay ka soo bilaabeen cilmi baarista la xiriirta hay’ddan oo isaga 5-sano ka hor u magacawday inuu hogaamiyo, wuxuu ka codsaday dowladda in ay siiso Iskuuladii Cilmiga baddaha lagu baranayey, si buu yiri looga faa’iideeyo dhalinyarada Soomaaliyeed.
“Ku dhawaad 200 oo arday ayaa ka fa’ideysatay barashada Cilmiga baddaha, dufcadan waa tii 3-aad, waxaana ay maanta qaadanayaan shahaado ‘Diploma ah’ waana arday xirfadda ay barteen k ushaqaysan kara maanta, waxan uga baaqaya in ay cilmiga ay barteen uga faa’ideyaan walaalahood Soomaaliyeed”, Sidaa waxaa yiri Faarax Qare.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya, Faysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in ardayda Cilmiga baddaha baratay uu kala soo qayb-galo musabadda qalin-bedelashadooda, waxaana uu xusay in dowladda ay ka go’an tahay horumarinta dugsiyada lagu barto xirfadaha.
” Waxan joojinay dugsiyo sare oo hor leh, balse waxan fureyna sannadkan 9 dugsi oo 3 lagu baranayo cilmiga beeraha, 3-lagu baranayo Cilmiga xoolaha iyo 3-lagu baranayo Cilmiga baddaha, dowladda fariintaada way tix gelinaysaa oo waad helaysa dugsi aad wax ku bartaan Cilmiga muuhiihmka ah ‘Hambalyo”, Mr. Guuleed ayaa sidaas ku soo geba-gebeeyey musabadda Qalin jebinta.
Soomaaliya ayaa leh xeebta ugu dheer Africa taasoo dhirirkeedu yahay 3,333 Kilometer, hayeeshee waxaa muuqata in aad looga fa’ideysan.