Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Cadaaladda iyo Culimada oo ka wada hadlay arrimaha Xabsiyada+Sawirro

caqiil by caqiil
January 6, 2019
in Wararka
0
Wasiirka Cadaaladda iyo Culimada oo ka wada hadlay arrimaha Xabsiyada+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka oo ka dhacay xafiiska wasiirka cadaaladda XFS ayaa waxaa ka qayb galay guddoomiyaha maxkamada sare ee dalka, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo taliyaha xabsiga dhexe ee Xamar, wasiirka ayaana kulankaan ku casuumay culimada Soomaaliyeed oo uu kala hadlay arrimo la xiriira horumarinta cadaalada iyo sidii ay qayb uga noqon lahaayeen.

Kulanku waxaa uu daba socday kulamo horay wasiirka cadaaladu ula qaatay culimada iyo booqasho culimada iyo wasiirka oo wada socdaa ay ku tageen xabsiyada qaar sida xabsiga dhexe, waxaa maanta aad looga hadlay sida loogu baahan yahay in maxaabiista ay helaan cadaalad isla markaana xal loo helo maxaabiista xabsiga dhexe ugu xiran dambiyo yar yar oo iyagana dhib ku ah.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Dood dheer iyo wada hadal ka dib markii kulanku soo idlaaday ayaa warbaahinta qaranka waxaa ay weydiisay, Sheekh Cali wajiis xoghayaha guud ee majmaca culimada Soomaaliyeed qodobadii laga hadlay iyo go’aanadii soo baxay.

“Waxaa uu ahaa kulan muhiim ah waxaan ka wada hadalnay wasiirka iyo mas’uuliyiinta kale in dib u eegis lagu sameeyo  maxaabiista xabsiyada ku jirtay in cadaalad ay helaan sidii diinta islaamku qabtay in ay jiraan maxaabiista qaar oo waqtigooda dhameystay hadana iska sii xiran hadii wax ka jiraan arimahaas ayaan isla soo qaadnay,” ayuu yiri Sheekh Cali.

Wasiirka Cadaaladda XFS Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa dhankiisu is dultaagay muhiimada shirka iyo waxyaabihii laga dooday iyo sidoo kale, dadaalka wasaaradu ugu jirto xoojinta hay’adaha cadaaladda dalka.

“Waxaa sharaf u ah wasaaradda inay kulan muhiim ah oo looga hadlayay sare u qaadistay iyo tayeynta hay’adaha cadaaladda la qaadatay culimada Soomaaliyeed runtii wuxuu ahaa kulan muhiim ah oo aan kaga hadalnay in maxaabiistu helaan garsoor hufan isla markaana xabsiga cusub ee hadda la dhameestiray uu shaqeeyo wax badan oo aan ka hadalnay waan isla garanay horay ayaan sidaan oo kale kulamo uga yeelanay arimahaan cadaalada la xiriira,” ayuu yiri wasiirka.

 

Previous Post

Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey arday ka qalin-jebisay Akademiyada Cilmiga Baddaha+Sawirro

Next Post

Hoggaanka Ururka Haweenka Soomaaliyeed oo ka hadlay go’aankii Dowladda Soomaaliya ay dalka kaga ceyrisay Danjire Nicholos Haysom

Next Post
Hoggaanka Ururka Haweenka Soomaaliyeed oo ka hadlay go’aankii Dowladda Soomaaliya ay dalka kaga ceyrisay Danjire Nicholos Haysom

Hoggaanka Ururka Haweenka Soomaaliyeed oo ka hadlay go’aankii Dowladda Soomaaliya ay dalka kaga ceyrisay Danjire Nicholos Haysom

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In