Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukun dil ah oo lagu fuliyay 2 dhagar qabe oo Alshabaab ka tirsanaa.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Xukun dil ah oo lagu fuliyay 2 dhagar qabe oo Alshabaab ka tirsanaa.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay labo dhagar qabe oo k atirsanaa Alshabaab,kuwaasi oo horey u dilay nabadoon can k ahaa magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu eedeeyey C/araxmaan Ciise Cali iyo Xasan Cali Xasan in ay horey degmada Wadajir ugu dileen Hilowle Xeefow Xuseen,oo kamid ahaa nabadoona caanka ahaa ee degmadaasi ku dhaqan.

Related posts

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026
Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026

Horey ayaa waxaa ay maxakamaddu ugu ridday labadan qof xukun dil toogasho ah,waxaana maanta oo taariikhdu ay tahay 7/Janaayo/2019 lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa ee Maxakamadda Ciidanka Qalabka sida ay horey ugu xukuntay.

Goobta xukunka oo toogashada ay ka dhacaysay waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,kuwaasi oo sheegay in maxakamaddu ay heshey cadeymo muujinaya in ay gacan ku dhiiglayaal ahaayeen sidasi darteedna loogu fuliyay dilka.

Maxakamadda ciidamada Qalabka sida ayaa dhowr jeer oo horey xukuno ugu fulisay dhagar qabayaal ka tirsanaa Alshabaab,waxaana u dambeeyey dhagar qabe dhawaan lagu toogtay Baydhabo,kadib markii lagu heley dembi ah in uu sheekh can ahaa dil u geystay.

Previous Post

Baarlamaanka Puntland oo maanta dhageysanaya khudbadaha musharixiinta

Next Post

Ciidamada Gabon oo Afgambi ku qabsaday qeybo ka mid ah dalkaasi

Next Post
Ciidamada Gabon oo Afgambi ku qabsaday qeybo ka mid ah dalkaasi

Ciidamada Gabon oo Afgambi ku qabsaday qeybo ka mid ah dalkaasi

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

March 14, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa casuumaad afur-sharafeed ah ku maamuusay Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay...

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay  Dable NISA Mukhtaar Shakuur

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay Dable NISA Mukhtaar Shakuur

March 14, 2026
0

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka Marxuum Fatxi Cabdullahi Cabdi oo dhacay Taariikhdu markii ay aheyd Lix...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In