Saturday, May 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Ku-xiggeenka Labaad ee Golaha Shacabka  oo Hambalyo u diray Madaxweynaha Puntland iyo Ku-xiggeenkiisa.

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Ku-xiggeenka Labaad ee Golaha Shacabka  oo Hambalyo u diray Madaxweynaha Puntland iyo Ku-xiggeenkiisa.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

May 9, 2026
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

May 9, 2026

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa Qoraal kasoo baxay Xafiiskiisa hambalyo ugu diray Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Dani) iyo Madaxweyne ku xigeenka cusub Axmed Cilmi Cusmaan (Karaash)oo maanta ku guuleystay Doorashadii ka dhacday Magaaladda Garoowe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland.

“Waxaan hambalyo iyo boggaadin u dirayaa Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Dani) iyo madaxweyne ku xigeenka cusub ee maamulkaasi Axmed Cilmi Cusmaan (Karaash) oo ay maanta doorteen Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedka Puntland,waxaana Alle uga baryayaa Inuu la garab galo xilka culus ee loo doortay uuna ku guuleeyo.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa aad u ammaanay Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedka Puntland doorashadii ka dhacday Garoowe ee sida nabad galyada iyo dimoqoraadiyada leh ku dhacday.

“Waxaan amaan iyo bogaadin u dirayaa dhamaan Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedka Puntland doorashadii maanta dhacday.

Ugu dambeyn Guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad ayaa u mahad celiyay  musharixiintii kale ee la tartameysay Madaxweynaha  la doortay ee Siciid Dani iyo Musharaxa madaxweyne kuxigeenka guuleystay sida ay u aqbaleen natiijadii kasoo baxday doorashada Sidoo kalena waxa uu amaanay Laamaha Amaanka iyo Shacabka deegaanada Dowlad Goboleedka Puntland.

Previous Post

Wasaaradda Arrimaha Guddaha oo Hambalyo u dirtay Madaxda Puntland ee la doortay

Next Post

Guddoomiyaha Aqalka sare oo u hambalyeeyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xiggeenka Puntland.

Next Post
Guddoomiyaha Aqalka sare oo u hambalyeeyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xiggeenka Puntland.

Guddoomiyaha Aqalka sare oo u hambalyeeyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xiggeenka Puntland.

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa shir-guddoomiyey kulanka amniga caasimadda...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo uu wehlinayay Xoghayaha Guud ee Guddiga,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay dalka Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay dalka Jabuuti

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda...

Hay’adaha cadaaladda oo xoojinaya wada-shaqeyntooda

Hay’adaha cadaaladda oo xoojinaya wada-shaqeyntooda

May 8, 2026
0

Wasiiro ka tirsan XFS, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee BJFS, Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo masuuliyiin kale ayaa xay Muqdisho...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In