Wednesday, December 31, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1aad ee CQS oo ka warbixiyay kiisaskii la qaaday sanadkii tegay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Dhagar Qabayaal ka tirsan Al-Shabaab oo Xukun lagu riday+(Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamdda Ciidamda Qalabka Sida ayaa soo bandhigtey kiisaska ay qabatay sanadkii 2018-ka kaasoo la xiriira fal dambiyeedyada ay geystaan Argagixisada dalka ka dagaallanta.

 

Related posts

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo soo bandhigay natiijada kuraasta la kala helay

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo soo bandhigay natiijada kuraasta la kala helay

December 30, 2025
Ciidamada Xoogga Dalka oo jab xoggan gaarsiiyay Khawaarijta Gobolka Sh/Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka oo jab xoggan gaarsiiyay Khawaarijta Gobolka Sh/Hoose

December 30, 2025

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo u waramay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dacwadaha ay qaaday Maxkadda sanadkii tegay uu yahay 194, isagoo intaa ku daray in loo xiray 291 ruux oo isugu jirta Al-Shabaab iyo Daacish, isla markaana xukuno kala duwan lagu fuliyay.

“Maxkamadda sandkii 2018 waxaa la keenay galdacwadeedyo lala xiriirinayo argagixisada oo gaaraya 194, oo loo xiray 291 ruux oo lala xiriirinayo inay ka tirsanaayeen ururka Al-Shabaab iyo Daacish, maxkamadda kuwaasi xukuno kala duwan ayay ka soo saartay, qaar dambiyada ayaa lagu waayay, qaar xabsiyo dhaadheer ayay ku muteysteen hadba sida ay dambiyada ugu hor cadaadeen maxkamadda horteeda” ayuu yiri Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida ayaa intaa ku daray “Waxaa sidoo kale kaalinta 2aad ahayd dambiyada lala xiriirinayo dilka, maxkamadda waxaa la keenay 94 gal dacwadeed oo la xiriirta in dil loo geystay shacab ama ciidan, kuwaasi oo ka kala dhacay gobollada ama magaalada Muqdisho, gal dacwadeedyadaas 94-ta ka kooban waxaa loo xiray 153 ruux qaar ciidanka ayay ka tirsanaayeen qaarna kooxaha argagixisada ayay ahaayeen go’aano ayaana ka soo baxay”.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa mar uu ka hadlayay is rasaaseynta ciidamada dhexdooda waxa uu ku jawaabay in arintaas go’aano adag laga soo saaray.

 

Previous Post

Sarkaal qori  Dhashiika ah ku dilay  qof rayid ah  oo la xukumay

Next Post

Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida oo Xukuntay Sarkaal dilay qof shacab ah “SAWIRRO”

Next Post
Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida oo Xukuntay Sarkaal dilay qof shacab ah “SAWIRRO”

Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida oo Xukuntay Sarkaal dilay qof shacab ah "SAWIRRO"

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Somalia reaffirms its firm and principled position in support of the sovereignty, unity and territorial integrity of the Republic of Yemen

December 31, 2025
0

The Federal Republic of Somalia reaffirms its firm and principled position in support of the sovereignty, unity, security, stability, and...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo soo bandhigay natiijada kuraasta la kala helay

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo soo bandhigay natiijada kuraasta la kala helay

December 30, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed Xasan ayaa ku dhawaaqay natiijada guud ee kuraasta ay kala heleen 20-ka urur...

Ciidamada Xoogga Dalka oo jab xoggan gaarsiiyay Khawaarijta Gobolka Sh/Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka oo jab xoggan gaarsiiyay Khawaarijta Gobolka Sh/Hoose

December 30, 2025
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor iyo Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda Qaranka, oo dhawaan la wareegay deegaannada Gendershe iyo...

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo Istanbuul ku soo bandhigay guusha sahminta Shidaalka iyo Gaaska dabiiciga ah ee dalkeenna

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo Istanbuul ku soo bandhigay guusha sahminta Shidaalka iyo Gaaska dabiiciga ah ee dalkeenna

December 30, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay Türkiye Mudane Recep Tayyip Erdoğan ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In