Thursday, September 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo sheegay in Bulshadda Gobolka Hiiraan u baahan yihiin dib u heshiisiin rasmi ah+Sawirro

admin by admin
January 16, 2019
in Wararka
0
Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo sheegay in Bulshadda Gobolka Hiiraan u baahan yihiin dib u heshiisiin rasmi ah+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir ku saabsan Wacyiga Nabadda, Isdhexgalka iyo horumarka gobolka Hiiraan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Ku-xigeenkiisa, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle, Aqoonyahano iyo masuuliyiin ka tirsaan maamulka Gobolka Hiiraan.

 

Related posts

Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay Guddoomiyaha SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo

Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay Guddoomiyaha SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo

September 11, 2025
Dowladda oo lagu wareejiyay qalab casri ah oo ka hortagga walxaha qarxa

Dowladda oo lagu wareejiyay qalab casri ah oo ka hortagga walxaha qarxa

September 11, 2025

Kulanka waxaa diiradda lagu saarayaa sidii dhibaatooyinka Gobolka ka jira xal loogu heli lahaa, iyadda oo leyswado kaashanayo.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Xarunta Irshaad taas oo ka shaqeysa arragti Isdhaafsiga.

Sheekh Cismaan Barre, Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in Hiiraan u baahan tahay dib u heshiisiin rasmi ah, taas oo ka timaada dadka reer Hiiraan.

“Hiiraan waxaa dega dad badan,waxaana ay u baahan yihiin in si dhab ah arrintooda loo xaliyo, sidoo kale dib dhacweyn ayaa Gobolka ku yimid waana wax laga xumaado,” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Sheikh Cismaan Barre.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa tilmaamay in gobolka sidoo kale dhibaato ku hayaan meeleeshiyaadka Al Shabaab sidoo kalena aysan ka socon lacagta Shilin Soomaaliga ah taasina dhibaato weyn ay ku tahay shacabka Gobolka Hiiraan.

“Hiiraan waxaa ay u baahan tahay Isdhexgal Bulsho kaas oo si waagsan looga shaqeeyo,iyadda oo la is wad kaashanayo”ayuu yiri Guddoomiye Barre.

Maleeshiyada Al-Shabaab oo aan u tureyn shacabka ayaa dhibaato weyn ku haya shacabka deegaanada fara ku tiriska ah ay kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan,waxaana socda qorshe Ciidamada Xoogga dalka ay ku doonayaan iney shacabka kaga dul qaadaan gumaadka argagixisada Al-Shabaab ku haayaan.

Previous Post

Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar Jajab oo dardar gelinaya amniga iyo bilicda degmadaas

Next Post

Golaha shacabka oo ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka

Next Post
Golaha shacabka oo ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka

Golaha shacabka oo ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka

Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay Guddoomiyaha SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo

Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay Guddoomiyaha SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo

September 11, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye, ayaa caawa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta...

Dowladda oo lagu wareejiyay qalab casri ah oo ka hortagga walxaha qarxa

Dowladda oo lagu wareejiyay qalab casri ah oo ka hortagga walxaha qarxa

September 11, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad ay Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ku wareejinaysay...

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

September 11, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay magaalada Laascaanood, caasimadda dowlad...

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

September 11, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii gardarrada ahaa ee maamulka Israa’iil u gaystay dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In