Wednesday, September 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

In ka badan 100 Carruur ah oo Alshabaab ka afduubeen deegaano ka tirsan gobolka Bakool

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Dhageyso: Sida Ciida looga diyaar garoobayo Magaalada Xudur
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Tiyeglow, Cali C/nuur Iiman ayaa sheegay in maleeshiyaadka Alshabaab ay afduubeen in ka badan 100 carruur ah oo ku nool deegaanada hoos yimaada degmada.

 

Related posts

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

September 16, 2026
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026

Afduubka safmarka ah ayaa Alshabaab waxaa ay ka bilaabeen deegaanka Ceel Garas ee gobolka Bakool halkaas oo maalin qura ay ka qafaasheen in ka badan 60 ciyaal Iskuul ah, dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyaadka Alshabaab gaari hor dhigeen dugsi Ceel Garas ku yaala isla markaana ka kaxeysteen dhammaan carruurtii iskuulka gaar ahaan wiilashada.

Cali C/nuur Iiman, ayaa sidoo kale, sheegay in carruurta Alshabaab qafaalanayso da’dooda u dhexeyso 14 ilaa 9 sano jir, isagoo xusay in waalidiinta loogu yeerey in ay ilmahooda keenaan ciddii amarkooda guracan ka dhaga adeegtada xabsi iyo lacag $ 2,500  ah laga qaadayo.

Shacabka deegaanka ayaa cabsi iyo wel wel aad u xoogan soo foodsaaray markii Alshabaab bilaabeen in ay afduubaan carruurta, waxayna taasi keentay in waalidiinta qaar la soo baxsadaan dhashooda, si aan looga qafaalan.

Guddoomiye ku xigeenka, ayaa sheegay in u jeedka Alshabaab arrinta ay ka leeyihiin ay tahay in ay carruurta baraan af-kaartooda guracan oo leexan si ugu dambeyn ugu adeegsadaan qaraxyada iyo dagaalada ay kula jiraan dowladnimada ummadda Soomaaliyeed.

Wararka deegaanka ka heleyno, ayaa tibaaxaya in maleeshiyaadka Alshabaab carruurta ay soo afduubaan ku hayaan xero ay ku leeyihiin gudaha degmada Tiyeglow.

Madiino Mad Geedi, oo kamid ah waalidiinta carruurtooda la afduubay ayaa sheegtay in u jeedka Alshabaab ay ka leeyihiin ay tahay in ay ka dhaadhiciyaan in waalidkooda isku qarxiyaan, waxayna codsatay in argagaxisada looga badbaadiyo carruurta.

Waxay tilmaantay, in markii uu soo baxay warka dhiilada ah oo sheegayay in ilmaha la qafaalay ay kamid yihiin kuwii ay dhashay ay ka haajirtay hurddada iyo hunguriga wel wel awgiis.

Xasan Aadan Cabdi, waxaa uu kamid yahay ehelada dadka laga afduubay carruurta, waxaa uu warbaahinta qaranka u sheegay, in haddii aan laga badbaadin carruurta in Alshabaab ay u adeegsan doonaan dhibaatada umadda ay ku hayaan, sida qaraxyada.

Dhibka ugu daran oo iminka heysta dadka deegaanka ayaa ah labo daran mid dooro; waa mida koowaad in ay ogolaadaan isla markaana dhiibaan ilmahooda ama in ay deegaanka oo dhan ka guuraan wixii xoolo nool iyo mood ah oo ay leeyihiina ka tagaan, taas oo ah mid aad ugu adag.

Maleeshiyaadka Aragaxisada ah, ayaa sidoo kale, waxaa waalidiinta ku amreen in ay keenaan carruurtooda oo waxbarasho ugu maqan; sida magaalooyinka, Baydhabo, Muqdisho iyo meelo kale.

Maleeshiyaadka ayaa wali wada qafaalashada carruurta deegaanka sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo kormeeray xarunta Taliska Booliska ee Gobolka Mudug

Next Post
Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo kormeeray xarunta Taliska Booliska ee Gobolka Mudug

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo kormeeray xarunta Taliska Booliska ee Gobolka Mudug

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

September 16, 2026
0

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhiirri gelineyso tacbashada iyo manaafacaadsiga Timirta.   War...

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug, Mudane Cabdullaahi Maxamed Daahir, ayaa gaaray Degmada Xero Dhagaxley, isagoo qeyb ka ah...

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

September 15, 2026
0

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arrimaha Bani’aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskooda ugu...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

September 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiska ku qaabilay saddexda ardey ee kaalimaha hore ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In