Kulankaan oo ujeedkiisu ahaa ka tashiga sidii la isaga kaashan lahaa dhaqan gelinta shuruucda Gaadiidka dalka ayna ka qeyb galeen Wasiirada Gaadiidka,Dekadda iyo Badda iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda,Saraakiil uu hoggaaminayay taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo xubno ka kala socday Gaadiidleyda iyo Ganacsato Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Cali Gacal Gaabow ayaa sheegay in sharcigan muhiimad gaar ah u leeyahay Bulshada,islamarkaana loo baahan yahay iney dhaqan geliyaan,isagoona hadalkiisa intaasi raaciyay in kulanka maanta ay ugu magac dareen “Wada-tashi,”.
Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa balan qaaday in Ciidamada Booliska Soomaaliyeed kaalin muuqata ay ka qaadan doonaan dhaqan gelinta shuruucda gaadiidka dalka.
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/llaahi Sheikh Cali (Qaloocow) ayaa sheegay in dhaqan gelinta shuruucdani kaalin muhiim ah ka qaadan doonto horumarinta dhaqaalaha dalka.
Wasiirada Gaadiidka, Dekadda iyo Badda iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay iney ka qeyb qaataan dhaqan gelinta sharcigan.