Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Batroolka “Waxaan Ummadda Soomaaliyeed u xaqiijineynaa in uusan jirin shidaal Soomaaliyeed oo la xaraashayo”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 26, 2019
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay shir lagu qabanayo London UK oo ay ka soo qayb galayaan Wasaaradda, Xubnaha dowlad goboleedyada, ganacasatada Soomaaliyeed iyo shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka, kaas oo lagu soo bandhigi doonaa kheyraadkeenna shidaalka.

 

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Halkan Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dawlada Federaalka Soomaaliya oo gudanayasa waajibaadkeeda shaqo ee loo igmaday waxay ku hawlan tahay hergalinta iyo dhamaystirka hal beegyo iyo hawlo muhiim u ah ka faa’idaysiga kheyraadka Batroolka Iyo Macdanta Soomaaliyeed.

Sidaas darteed waxay Wasaaraddu u xaqiijineysaa Ummadda Soomaaliyeed inay u
taagan tahay ilaalinta ammaanadaas weyn ee loo xil saaray iyo dhowrista dhammaan shuruucda lagu maamulayo. Waxay kaloo wasaaraddu u xil saaran tahay in ay ku soo xirto Soomaaliya maalgashadayaal caalami ah oo u maalgashta kheyraatkeenna Batroolka sida ummadda Soomaaliyeed danta ugu jirto, waafaqsanna xeerarka dalka iyo heshiiskii ay wada gaareen dawladda Federaaka iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ah oo lagu caddeeyey lahaanshaha, maamulka iyo wadaagga kheyraadka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliyeed.

Sidaas darteed, iyadoo taas laga duulayo, ayay wasaaraddu qaban qaabisay shir lagu qabanayo London-U.K oo ay ka soo qayb galayaan wasaaradda,xubnaha dawlad goboleedyada ,ganacasatada Soomaaliyeed iyo shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka.

Shirkan waxa lagu soo bandhigi doonaa kheyraadkeenna shidaalka, waxna kama jiraan in shirka lagu xaraashaayo xirmooyin (Blocks).

Hadaba Ummadda Soomaaliyeed waxaan u xaqiijineynaa in si loo bixiyo shati ama
rukhsad shidaal qodis (License) ay qaadaneyso wadahadal dheer oo soconaya ku dhowaad sannad, si daahfuranna ay Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto ula socon doonto. Sidoo kale markii rukhsadda la bixiyo si hawl gallada qodista iyo horumarintiisaba looga miro dhaliyo ay qaadaneyso wax ka badan 5 sano.

Ugu dambeyntii waxaan ummadda Soomaaliyeed u xaqiijineynaa in uusan jirin shidaal Soomaaliyeed oo la xaraashayo wasaaraddana ay gudaneyso waajibaadkeeda si ay ummadda Soomaaliyeed ugu faa’ideyso si sax ah kheyraadka Ilaahay ku manbeystay.

 

 

 

Previous Post

Guddoomiye ku-xigeenka-2aad ee Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Garowe “SAWIRRO”

Next Post

Qaban qaabada xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Puntland oo socoto

Next Post
Doorashada Aqalka Hoose oo goordhaw ka bilaabaneysa magaalada Garoowe

Qaban qaabada xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Puntland oo socoto

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In