Thursday, April 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Batroolka “Waxaan Ummadda Soomaaliyeed u xaqiijineynaa in uusan jirin shidaal Soomaaliyeed oo la xaraashayo”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay shir lagu qabanayo London UK oo ay ka soo qayb galayaan Wasaaradda, Xubnaha dowlad goboleedyada, ganacasatada Soomaaliyeed iyo shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka, kaas oo lagu soo bandhigi doonaa kheyraadkeenna shidaalka.

 

Related posts

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

April 15, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

April 15, 2026

Halkan Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dawlada Federaalka Soomaaliya oo gudanayasa waajibaadkeeda shaqo ee loo igmaday waxay ku hawlan tahay hergalinta iyo dhamaystirka hal beegyo iyo hawlo muhiim u ah ka faa’idaysiga kheyraadka Batroolka Iyo Macdanta Soomaaliyeed.

Sidaas darteed waxay Wasaaraddu u xaqiijineysaa Ummadda Soomaaliyeed inay u
taagan tahay ilaalinta ammaanadaas weyn ee loo xil saaray iyo dhowrista dhammaan shuruucda lagu maamulayo. Waxay kaloo wasaaraddu u xil saaran tahay in ay ku soo xirto Soomaaliya maalgashadayaal caalami ah oo u maalgashta kheyraatkeenna Batroolka sida ummadda Soomaaliyeed danta ugu jirto, waafaqsanna xeerarka dalka iyo heshiiskii ay wada gaareen dawladda Federaaka iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ah oo lagu caddeeyey lahaanshaha, maamulka iyo wadaagga kheyraadka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliyeed.

Sidaas darteed, iyadoo taas laga duulayo, ayay wasaaraddu qaban qaabisay shir lagu qabanayo London-U.K oo ay ka soo qayb galayaan wasaaradda,xubnaha dawlad goboleedyada ,ganacasatada Soomaaliyeed iyo shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka.

Shirkan waxa lagu soo bandhigi doonaa kheyraadkeenna shidaalka, waxna kama jiraan in shirka lagu xaraashaayo xirmooyin (Blocks).

Hadaba Ummadda Soomaaliyeed waxaan u xaqiijineynaa in si loo bixiyo shati ama
rukhsad shidaal qodis (License) ay qaadaneyso wadahadal dheer oo soconaya ku dhowaad sannad, si daahfuranna ay Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto ula socon doonto. Sidoo kale markii rukhsadda la bixiyo si hawl gallada qodista iyo horumarintiisaba looga miro dhaliyo ay qaadaneyso wax ka badan 5 sano.

Ugu dambeyntii waxaan ummadda Soomaaliyeed u xaqiijineynaa in uusan jirin shidaal Soomaaliyeed oo la xaraashayo wasaaraddana ay gudaneyso waajibaadkeeda si ay ummadda Soomaaliyeed ugu faa’ideyso si sax ah kheyraadka Ilaahay ku manbeystay.

 

 

 

Previous Post

Guddoomiye ku-xigeenka-2aad ee Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Garowe “SAWIRRO”

Next Post

Qaban qaabada xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Puntland oo socoto

Next Post
Doorashada Aqalka Hoose oo goordhaw ka bilaabaneysa magaalada Garoowe

Qaban qaabada xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Puntland oo socoto

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

April 15, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

April 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Ciidanka Qalabka Sida oo howlgal qorsheysan ku dilay ku dhawaad 60 ka tirsan Khawaarijta

April 15, 2026
0

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyay deegaannada Tardo oo ka tirsan gobolka Hiiraan, Ugunji...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

April 15, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyay deegaannada Tardho ee gobolka Hiiraan, Ugunji ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In