Waxgaradka Degmada Balanbal iyo deegaanka Guriceel oo gacan ka helaya Dawladda dhexe ee dalka ayaa wada dadaalo lagu xoojinayo nabad gelyada, isla markaana lagu dhameynayo xiisado ay dad ku dhinteen dabayaaqadii sanadkii hore, kuwaa oo ka socda degmada Balanbal iyo deegaanada hoos yimaada.
Waxgaradka ayaa guda galay baxinta diyada dadkii dhintay, si agoomaha iyo ehelada marxuumiinta looga samir siiyo dadka ay ku waayeen xiisadihii ka dhacay deegaanka, 4. nin oo ugu dambaysay dilalkii dhacay sanadkii hore ee ku dhintay deegaanka Turbi ee hoos yimaada Degmada Balanballe 11.kii November 2018 ayaa maanta la bixiyay diyadooda.
Cabdiqadar Shekh Faarax Xasan Deer oo ah samafale Soomaaliyeed oo ku nool dalka Kenya ayaa bixiyay diyada marxuumiinta 4.ta ah oo ku dhintay xiisadihii ugu dambeeyay ee dhacay sanadkii tagay Gobolka Galgaduud.
Odayaasha ehelka u ahaa marxuumiinta ayaa sheegay inay ku qanceeen diyada la siiyay, ayna diyaar u yihiin Nabadda, waxayna u mahadceliyeen muxsiniinta dhiibay diyada oo door mugle ku leh dadaalada loogu jiro Nabadda Gobolka.
Ugaas Axmed Barre Cali, Axmed Caafi iyo Sheekh Abuukar oo ah Gudoomiyaha Gudiga Xasilinta Galmudug ahna la taliyaha Madaxweynaha dalka ee dhinaca arrimaha Diinta oo qayb ka ahaa dadaaladan socda ayaa ku baaqay in laga wada qayb qaato Xasilinta Nabadgalyada, lana la xoojiyo wada degananashiyaha Gobolka, isla markaana laga hortago cid kasta oo isku dayda inay carqaladeyso Nabadgelyada bulshada ku wada dhaqan Gobolka Galgaduud.