Monday, December 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Banbax-howleed wadajir ah oo u dhaxeeya Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka oo furmay+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Banbax-howleed wadajir ah oo u dhaxeeya Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka oo furmay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025

Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay Banbax-howleed u dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka kaasoo socon doona muddo afar maalin ah.

Inta uu socdo shirkan banbax-howleedka ayaa waxay seddexda hay’ad uga arinsan doonaan waxqabadkooda iyo horumarka ay ka sameeyeen dib-u-eegista Dastuurka iyagoo ka doodi doona qorshaha loo bahanyahay in la diyaariyo ee ku saabsan howlaha la qaban doono sanadkan.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Mudane Maxamed Daahir Afrax oo furitaanka shirka khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay muhiimada banbax-howleeedka.

“Shirkan waa mid muhiim u ah shaqooyinka seddexdan hay’ad, inta uu socdo shirkan seddex geesoodka ah waxaan uga arinsan doonnaa sidii aan howlaha soo socda u wajihi lahayn oo ay ugu horeeyso kulamada la-tashiyada dadweynaha Guddiyada iyo Wasaaradda ay u tagi doonaan Dowlad Goboledyada. Guddiga Madaxabanaan wuxuu soo bandhigi doonoo howlihii uu qabtay iyo caqabadihii ka horyimid” ayuu yiri Gudoomiye Afrax.

Sidoo kale Gudoomiyaha Guddiga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka, Sen Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay guddi ahaan sida ay shirka u arkaan.

“Shirkan waa mid aan aad ugu faraxsanahay inaan ka qaybgalno waxaana rajeynayaa in wax wanaagsan ay ka soo baxaan inaga oo diiradda saareyna sida aan u qabaneyno howlaha ina horyaalla, waxaa naga go’an inagoo gacmaha is heysana inaan wadasahqeyno si aan u wada guuleysano” ayuu yiri Gudoomiye Sen Abdiqaybdiid.

Dhanka kale, Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay jeediyay ayaa si qoto dheer uga hadlay howlaha dib-u-eegista Dastuurka iyo muhiimadda shirka.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta shirka wada qabsanay, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan heerkan soo gaarnay anagoo maanta ka arinsaneyna waxqabadkeena, waxaana heerkan ku soo gaarnay isku tanaasul iyo wadashqeyn dhexdeena ah. Maanta meesha aan taagannahay waa inaan soo dhameeystirnay tobonkii cutub ee ugu adkaa Dastuurka, inta hartay ee arrimaha siyaasadda quseeya waxaan rajeyneynaa in dhowaan soo dhamaadaan, shirkan waa mid noo iftiiminaya wadada aan qaadeyno si aan sanadkan guul taariikhi ah u gaarno” ayuu yiri Wasiir Cabdi Xoosh.

Ugu dambayn, seddexda hay’adood ayaa u saaray Guddi-farsamo inay soo diyaariyaan qorshaha wadajirka ah ee hay’adaha ee sanadkan iyo xal ka gaarista caqabadaha jira.

Previous Post

Wasiirka Difaaca dalka oo soo xiray tababarka Xoojinta isku xirka Howlaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga dalka+Sawirro

Next Post

Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay oo Lagu Soo Bandhigay Hannaanka Dib-u-heshisiinta Qaranka+Sawirro

Next Post
Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay oo Lagu Soo Bandhigay Hannaanka Dib-u-heshisiinta Qaranka+Sawirro

Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay oo Lagu Soo Bandhigay Hannaanka Dib-u-heshisiinta Qaranka+Sawirro

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

December 15, 2025
0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In