Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Banbax-howleed wadajir ah oo u dhaxeeya Hayโ€™adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka oo furmay+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Banbax-howleed wadajir ah oo u dhaxeeya Hayโ€™adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka oo furmay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay Banbax-howleed u dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka kaasoo socon doona muddo afar maalin ah.

Inta uu socdo shirkan banbax-howleedka ayaa waxay seddexda hayโ€™ad uga arinsan doonaan waxqabadkooda iyo horumarka ay ka sameeyeen dib-u-eegista Dastuurka iyagoo ka doodi doona qorshaha loo bahanyahay in la diyaariyo ee ku saabsan howlaha la qaban doono sanadkan.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Mudane Maxamed Daahir Afrax oo furitaanka shirka khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay muhiimada banbax-howleeedka.

โ€œShirkan waa mid muhiim u ah shaqooyinka seddexdan hayโ€™ad, inta uu socdo shirkan seddex geesoodka ah waxaan uga arinsan doonnaa sidii aan howlaha soo socda u wajihi lahayn oo ay ugu horeeyso kulamada la-tashiyada dadweynaha Guddiyada iyo Wasaaradda ay u tagi doonaan Dowlad Goboledyada. Guddiga Madaxabanaan wuxuu soo bandhigi doonoo howlihii uu qabtay iyo caqabadihii ka horyimidโ€ ayuu yiri Gudoomiye Afrax.

Sidoo kale Gudoomiyaha Guddiga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka, Sen Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay guddi ahaan sida ay shirka u arkaan.

โ€œShirkan waa mid aan aad ugu faraxsanahay inaan ka qaybgalno waxaana rajeynayaa in wax wanaagsan ay ka soo baxaan inaga oo diiradda saareyna sida aan u qabaneyno howlaha ina horyaalla, waxaa naga goโ€™an inagoo gacmaha is heysana inaan wadasahqeyno si aan u wada guuleysanoโ€ ayuu yiri Gudoomiye Sen Abdiqaybdiid.

Dhanka kale, Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay jeediyay ayaa si qoto dheer uga hadlay howlaha dib-u-eegista Dastuurka iyo muhiimadda shirka.

โ€œWaxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta shirka wada qabsanay, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan heerkan soo gaarnay anagoo maanta ka arinsaneyna waxqabadkeena, waxaana heerkan ku soo gaarnay isku tanaasul iyo wadashqeyn dhexdeena ah. Maanta meesha aan taagannahay waa inaan soo dhameeystirnay tobonkii cutub ee ugu adkaa Dastuurka, inta hartay ee arrimaha siyaasadda quseeya waxaan rajeyneynaa in dhowaan soo dhamaadaan, shirkan waa mid noo iftiiminaya wadada aan qaadeyno si aan sanadkan guul taariikhi ah u gaarnoโ€ ayuu yiri Wasiir Cabdi Xoosh.

Ugu dambayn, seddexda hayโ€™adood ayaa u saaray Guddi-farsamo inay soo diyaariyaan qorshaha wadajirka ah ee hayโ€™adaha ee sanadkan iyo xal ka gaarista caqabadaha jira.

Previous Post

Wasiirka Difaaca dalka oo soo xiray tababarka Xoojinta isku xirka Howlaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga dalka+Sawirro

Next Post

Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay oo Lagu Soo Bandhigay Hannaanka Dib-u-heshisiinta Qaranka+Sawirro

Next Post
Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay oo Lagu Soo Bandhigay Hannaanka Dib-u-heshisiinta Qaranka+Sawirro

Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay oo Lagu Soo Bandhigay Hannaanka Dib-u-heshisiinta Qaranka+Sawirro

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

October 15, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In