Wednesday, October 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo Agaasimaha Guud ee Midowga Yurub kala hadlay Horumarinta Caasimadda Soomaaliya+sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo Agaasimaha Guud ee Midowga Yurub kala hadlay Horumarinta Caasimadda Soomaaliya+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025
Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

October 15, 2025

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Iskaashiga Caalamiga ah iyo horumarinta ee Midowga Yurub Mudane Stefano Manservisi ayaa sheegay in qorshaha Maamulka Gobolka ee sanadkan uu yahay hirgelinta mashaariic lagu horumarinayo Caasimadda iyo sidii xal-waara loogu heli lahaa Barakacayaasha.

Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey dadaalka ay ugu jiraan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ku aaddan dib u dhiska Caasimadda iyo kaalin in ay ka qaataan dalalka iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya.

Eng.Yarisow oo uga warbixiyey Stefano horumarka ka socda Gobolka Banaadir iyo Barnaamijka Isxilqaan ee shacabku ay dalkooda dib ugu dhisayaan ayaa la wadaagay qorsheyaal horumarineed oo ay muhiim tahay in ay ku gacansiiyaan Maamulka Gobolka.

Agaasimaha Guud ee Iskaashiga Caalamiga ah iyo Horumarinta Midowga Yurub oo bartiisa Twitterka qoraalka kooban soo dhigay kulanka kadib, ayaa tilmaamay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay taageerada horumarinta Caasimadda.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweyne Trump oo jeediyay khudbadiisi sanadlaha ahayd

Next Post
Madaxweyne Trump oo jeediyay khudbadiisi sanadlaha ahayd

Madaxweyne Trump oo jeediyay khudbadiisi sanadlaha ahayd

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta ka qeyb galay Shirka 72-aad...

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

October 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeybgalay Shirka...

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

October 15, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Golaha...

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In