Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo uu wehliyo Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Mudane Cabdulahi Sheekh Cali Qaloocoow ayaa maanta tababbar u furay 200 askari oo la barayo shuruucda canshuuraha, habka loo qaado iyo sida ay u ilaaliyaan
Taliyaha Hogaanka Canshuuraha Jeneraal Cabdulaahi Xasan Bariise Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay ciidanka inay qaataan mas’uuliyadda weyn ee la saaray oo ah ilaalinta lacagaha ka soo xerooda canshuuraha.
Sareeye Guuto Sakiya Xuseen Axmed Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska ayaa sheegtay in Talisku waqti badan galiyeen xulidda ciidankan.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa balan qaaday in Wasaaradda Maaliyadda ay ku dadaalayso dhameystirka waxyaabaha muhiimka u ah waajib gudashada Ciidanka ilaalada canshuuraha oo ay ku jirto dhismaha xarunta dhexe ee laanta iyo tababarada ciidanka.