Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daahir Maxamuud Geelle ayaa maanta daahfuray shirka Wadatashiga Qorshaha Howl-fulineed ee Istiraatiijiyada Wacyi gelinta Qaranka oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dowlad goboleedyada dalka.
Shirkan ayaa socon doono muddo Sedex cisho ah iyadoo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS uu sharxaad guud ka bixiyay Istiraayiijiyadfa Wacyi gelinta Qaranka waxuuna sheegay in loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed laga wacyi galiyo fikirka xagjirka ah.
Wasiirka Warfaafinta XFS ayaa ka hadlay ilaalinta Dowladnimada iyo xirririka wanaagsan ee Bulshada iyo Dowladda u dhaxeeyaa isagoo dhanka kale ka hadlay Isqaadashada umadda in ay muhiim tahay.
Waxaana ka qeyb-galay Wasaaradaha Warfaafinta Dowlad Gobeelyada, Culimaa’udiinka Saxaafadda Badaxa Banaan iyo Ururada Bulshada Rayidka iyadoo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Waana markii labaad oo la qabto shirka Istiraayiijiyadfa Wacyi gelinta Qaranka.