Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirweynaha soo-bandhigidda iyo xaqiijinta hannaanka dhab-u-heshiinta Qaran oo lagu qabtay Muqdisho

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
February 21, 2019
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo si kulul u cambaaraysay weerarkii argagaxiso ee Nairobi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta iyo ergooyinkii shirka ka soo qaybgalay, waxay si wayn u soo dhaweynayaan Soo-bandhigidda iyo Xaqiijinta xogta Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran (HDQ) oo hal-ku-dheggiisu ahaa “AAN DUUGNO COLAADDA, OO NABADDA BEERNO!” oo si habsami leh u qabsoomay intii u dhexaysay 19 ilaa 21ka February.

 

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025

Laga soo bilaabo bartamihii sannadkii 2017, waxay Wasaaraddu qabatay Shirweyne Qaran iyo wadatashiyo lala yeeshay dadka Soomaaliyeed qaybahooda kala duwan oo lagu qabtay magaalooyinka Muqdisho, Garowe, Kismaayo, Dhusamareb, Jowhar iyo Baydhabo. Waxa la qabtay 15 wadatashi oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan 1400 oo qof oo kale socday qeybaha kala duwan ee bulshada iyo laamaha hayädaha dowlada ee Qaran, Dowlad Goboleed iyo Deegaan.

Sidoo kale waxa wadatashiyo lala sameeyey khubaro Soomaaliyeed iyo hay’ado cilmi baariseed. Wadatashiyadaas kadib, khubaradii waxay soo gudbiyeen nuqulka 1aad ee Hannaanka Dhab-u heshiisiinta Qaran.

Shirweynahan Qaran oo uu daah furay Gudoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka uuna soo xiray Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa lagu soo bandhigay nuqulka 1aad ee Hannaanka Dhab-u-heshiinta qaranka waxaana kasoo qayb galay ergo matalaysey dadka Soomaaliyeed oo ka kala yimid Dowlad Goboleedyada, Maamulka Gobolka banaadir iyo marti-sharaf ka kala socday qaybaha bulshada oo tiradoodu isku ahayd 350 oo xubnood si markii ugu danbaysay dadka Soomaaliyeed loogu soo bandhigu talooyinkii laga soo uruurshay ummadda Soomaaliyeed.

Ujeedooyinka ugu waaweyn ee shirwaynuhu waxaa ay ahaayeen: 1. In ergooyinka loo soo bandhigo nuqulka 1aad ee Hannaanka Dib-u-heshiisiinta Qaran ayna xaqiijiyaan Hannaanka 2. In latashigii ugu dambeeyey iyo wixii talooyin iyo tusaale ah laga uruuriyo dadka Soomaaliyeed Si loo gaaro ujeeddooyinkaan, waxaa hab-socodka shirka wadatashiga loo agaasimay labo qaybood oo ku astaysan yoolka Shirweynaha iyo qaybo dhextaal ahaa oo isugu jirey suugaan iyo khudbado dhammaan kaabis u ahaa midho-dhalka shirka.

Labada qaybood oo kala ahaa: B. In ergooyinkii Shirweynaha loo jeediyey mawduucyo aasaas u ah gaarista Hannaan dib-u-heshiineed oo loo dhan yahay, si qoto-dheerna u qeexaya nuxurka uu yeelan karo hannaankaasi iyo heerarkiisa kala duwan. Qaybtaan waxaa lagu lafa-guray mawduucyada hoos ku qoran;

  1. Kaalinta Odayaasha Dhaqanka ee Dhab-u-heshiinta Qaran
  2. Kaalinta Culimada Soomaaliyeed ee Dhab-u-heshiinta Qaran
  3. Kaalinta Haweenka Soomaaliyeed iyo Dhab-u-heshiinta Qaran
  4. Kaalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhab-u-heshiinta Qaran
  5. Kaalinta Qurbajoogga ee Dhab-u-heshiinta Qaran
  6. Kaalinta Bulshada Rayidka ah ee Dhab-u-heshiinta Qaran
  7. Muhiimadda iscafinta dadka Soomaaliyeed
  8. Muhiimadda daaweynta damiirka qofka Soomaaliyeed (tiiraanyo-bixin)

Xog–ururintii Ergada Shirweynaha

Ergooyinka shirweynuhu, iyagoo ku salaynaya macluumaadkii ay xambaarsanaayeen qaybaha tiirarka HDQ ku dhisan yahay ee loo soo jeediyey, waxaa u suurtogashay in ay si sahlan, u fariistaan isla markaana u talooyin dhaxal-gal ah u soo jeediyaan HDQ si loogu kordhiyo nuqulka ugu dambeeya HDQ. Si loo helo xogo dhammaystiran oo abbaaraya macluumaadka loo baahan yahay, waxaa ergada loo qaybiyey su’aalo hagaya una fududaynaya in talooyin dhaxal gal ah ku soo kordhiyaan HDQ. Nuxurka Shirka Kasoo Baxay

  1. In dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, u diyaar-garoobaan Dhab-uheshiin run ah.
  2. In Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran yahay mid ka turjumaya baahida iyo waayaha dhabta ah ee dalku ku sugan yahay
  3. Si Dhab-u-heshiinta waarto loo helo, laga wada raali yahay oo xanaf-tiran, waa in la hirgeliyo Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran oo ay Golaha Wasiirrada Qaranka ansixiyaan si loo soo celsho kalsoonidii iyo walaaltinimadii dadka Soomaaliyeed ee colaaddu kala irdhaysay
  4. In la is barbar wado dhammaystirka dawladnimo iyo dhab-u-heshiisiinta bulsho, si ay labadaasi isu kaalmeeyaan
  5. In hirgelinta dhab-u-heshiisiinta iyo hogaamintiisuba ay noqdaan kuwo Soomaaliyi iska leedahay, u madax-bannaan tahay, oo gacanta ku hayso bilaw ilaa dhammaad
  6. In maalinta is-cafiska looga dhawaaqo dalka.

Baaqa Shirka

Shirku waxa uu ku baaqayaa:

  1. In Dowladdu ay sida ugu dhaqsiyaha badan u meel mariso Hannaanka Dhab-uheshiinta Qaran (HDQ) si loo soo afjaro isbar-baryaaca arrimaha dib-uheshisiinta ee in ka badan 27 sano ka socday dalka.
  2. In dowladdu mudnaan gaar ah siiso dhaqaalena u qoondayso qorshaha la socda Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran.
  3. In dowladdu mudnaan gaar ah siiso deminta khilaafyada hadda taagan ee dhiiggu ku daadanayo si hanaanka dawladnimadu u hanaqaado.
  4. In la taageero oo la tayeeyo hay’adaha iyo qaybaha bulshada ee u xil-saaran deminta khilaafyada iyo mushkiladaha ergooyinka shirku xogtooda uruuriyeen.
  5. Shirku wuxuu ku baaqayaa in la dedejiyo istaraatiijiyada iyo qorshaha dib-uheshiisiinta, isla markaana si degdeg ah looga hawl galo colaadaha taagan ee nabadda wax u dhimaya.
Previous Post

War-bixin:- Guulihii laga gaaray 27-Sano ka dib horumarinta Filimada Soomaaliya

Next Post

AMISOM oo Ciidanka Soomaaliya ku wareejineysa Kulliyadda jaalle Siyaad

Next Post
AMISOM oo Ciidanka Soomaaliya ku wareejineysa Kulliyadda jaalle Siyaad

AMISOM oo Ciidanka Soomaaliya ku wareejineysa Kulliyadda jaalle Siyaad

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In