Munaasabad si heer sara ah loo soo agaasimay oo Ciidanka Asluubta maanta ugu dabaal-dagayaan sanad-guuradooda 49-aad oo ka soo wareegatay aas-aaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa hadda ka socota xarunta Ciidanka Asluubta, waxaana ka qeyb-galaya Madaxda Qaranka iyo marti sharaf kale.
Ciidanka Asluubta ayaa la dhisay 22-February ee sanadkii 1970kii waxayna maanta u dabaaldagayaan sanad-guuradooda 49-aad taas oo shalay ku beegneyd balse Jimcaha awgeed maanta oo ah 23-February laga dhigay.
https://www.facebook.com/sntvnews/videos/2371517856413193/