Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ehelada Dadkii ku geeriyooday Qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni, dhiggiisa Koofur galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed, Maxamed Cabdi Waare madaxweynaha Hirshabeelle iyo Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Jubbaland, ayaa cambaarayn kulul dusha ugu tuuray Kooxda argagixisada Al-Shabaab ee bannaysatay daadinta Dhiigga Ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada ayaa Alle uga rajeeyay in naxariistii Janno uu ka waraabiyo dadka goobta ku geeriyooday, iyagoo Alle uga baryay in uu caafiyo dadkii ku dhaawacmay.
Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa waxay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen in ay gacmaha is qabsadaan wakhtigan adag oo ay garab istaagaan dadka uu dhibku gaaray, lana qeybsadaan xaaladda ay ku sugan yihiin, waxaana ay fareen Bulshada in Argagixisada lagaga adkaan karo oo keliya isku duubni iyo wadajir oo ay ila xoojiyaan la shaqeynta laamaha ammaanka ee dowladda.