Wednesday, August 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo faah faahisay weerarkii xalay ka dhacay Muqdisho “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 1, 2019
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Wasiir Daahir Geelle oo faah faahin ka bixiyay howlgalkii ay ciidamada ku soo afjareen weerarkii argagixisada “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka

August 6, 2025
Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

August 6, 2025

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho ku sheegay in ciidamada ammaanka ay ku howlanyihiin badbaadinta shacabka ay argagixisadu ka dhigteen gabaad.

 

Wasiirka ayaa xusay in hadafka ay ka leeyihiin weeraradan argagixiso uu yahay in qof Soomaali ah dantiisa heysta nolosha la dhaafiyo oo aysan jirin hadafkale ee ay leeyihiin argagixisadu, kuwaasi oo beegsanaya goobaha bulshada isugu timaado.

Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weerarkii xalay, isagoo Alle uga baryay in kuwa ku dhaawacmay uu Alle bogsiiyo.

Wasiirka ayaa yiri “Dowladda Soomaaliya waxay had iyo jeer ku howlantahay, kana shaqeysaa, kow in dadka Soomaaliyeed Nabadooda, amnigooda ka shaqeyso iyo waxkasta horumar u noqon karo”.

“Runti xog muhiim ah ayan rabaa inaan la wadago Dadka  Soomaaliyeed, waxaa suura gal ahayd in muddo intan aad iyo aad uga kooban in lagu soo afjaro arrinkaas, laakiin sida lagu yaqiinay waxay gaashaan ka dhigteen dad Soomaaliyeed, oo waxba galabsan, waxaan hubaa inay jiraan muuqaalo badan oo aad la wadaagi kartaan daawadayaashiina, muuqaaladaas oo muujinaya dhalinyarada Soomaaliyeed oo saraakiil ah oo soo badbaadinaya duqey Soomaaliyeed oo nimankaasi ay dab xir ka dhigteen ay soo furanayeen” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiir Daahir Maxamuud Geelle ayaa shirkiisa jaraa’id ku xusay “Dadka madaniga ah ee aan ciidanka ahayn oo ay gaashaanka ka dhigteen soo badbaaadintooda ayaa xaaladdu dheereysay”.

“Dhanka kale waxaan rabaa inaan shacabka xusuusiyo, dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ma ahan wax loo garnaqi karo, rag shalay waxa ay soo abaabuleen saacadan iyo ka hor iyo maalmo ka sii horeysayba gawaari waxyaabaha qarxa la saaro, oo dalkan la keeno oo marka uu qarxo xigtadeeda ay noqoto     qoryo iyo rasaas inta la qaato meesha uu ku qurxay dadka wixii haray iyo deeqda wixii u hartay lagu baabi’iyo iyo ciidamada dowladda oo hamigooduyahay kow inaan arinkaasi imaan oo gaarigaas meelkasta looga hortago  oo dadku amaan helaan oo goobaha magaalada ka baxsan looga hortago, hadii ay dhacdo inay soo jiiraan sida xalay dhacdayba laga daba tego”. ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Warfaafinta.

Ciidamada ammaanka ayaa ku guuleystay inay goobta ka soo badbaadiyaan tiro dad ah oo argagixisadu gabaad ka dhiganayeen.

Halkan ka dhageyso Shirka Jaraa’id ee uu qabtay Wasiirka Warfaafinta 

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2019/03/SHIR-JARAAID-WASIIRKA-WARFAAFINTA-XFS.mp3
Previous Post

Madaxda Dowlad Goboleedyada oo ka tacsiyeeyay Dadkii ku dhintay Qaraxii Muqdisho ka dhacay xalay

Next Post

Dawladda Soomaaliya oo ku taamaysa in la soo saaro shidaalka dalka marka la gaaro sanadka 2020-ka

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay go’aanadii ka soo baxay Shirkii Midowga Afrika

Dawladda Soomaaliya oo ku taamaysa in la soo saaro shidaalka dalka marka la gaaro sanadka 2020-ka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka

August 6, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Danjire Aweys Xaaji Yuusuf in uu noqdo Lataliyaha Amniga...

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

August 6, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey wada shaqeynta iyo sare u qaadista sumcadda...

Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

August 6, 2025
0

Maalmihii la soo dhaafay waxay dagaallo adag ka socdeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, waxayna Ciidanka Xoogga Dalka iyo...

Shirka arrimaha bani’aadannimada Soomaaliya oo laga furay magaalada Baydhabo

Shirka arrimaha bani’aadannimada Soomaaliya oo laga furay magaalada Baydhabo

August 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ahna Ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Cali Saciid Fiqi, ayaa magaalada Baydhabo oo ah xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In