Monday, July 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo Dan Guud kusoo celiyey Xaruntii Ciidanka Badda iyo Gurigii Taliyaha Ciidanka ee Degmada Cabdicasiis

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo Dan Guud kusoo celiyey Xaruntii Ciidanka Badda iyo Gurigii Taliyaha Ciidanka ee Degmada Cabdicasiis
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa soo saaray Wareegto ku aaddan Xaruntii Ciidamada Badda ee degmada C/Casiis iyo Gurigii Taliyaha Ciidamada Badda

Duqa Muqdisho ayaa Markii uu arkay Dastuurka JFS, Shariciga Maamulka Gobolada & Degmooyinka, Sharciga Maamulka Dhulka iyo Dhismaha G/Banaadir, Isla markaaba uu hubsaday inay lagama maarmaan ay tahay in Dib u hagaajin lagu sameeyo Qorshaha Guud (Master Plan) ee caasimadda, arkayna baahida deg-dega ah ee loo qabo in safaaradaha loo asteeyo goob ku habboon.

Related posts

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026
Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

July 20, 2026

Waxuu soo saaray Xeerkan:

Waxaa cid allaale iyo ciddii ay khuseyso lagu wargelinayaa in Xaruntii Ciidamada Badda iyo Gurigii Taliyaha Ciidamada Badda iyo dhulka dhanka danbe uga beegan illaa Xeebta Badda loo asteeyey goob ama deegaan diblomaasi ah, dhulkaas oo ahaa Dhul Dowladeed oo Dan Guud loogu talo galay.

Qorshahan ayaa ujeedadiisu tahay in Safaaradaha iyo Hay’adaha Caalamiga ee dalka ka howlgala loo helo goobo ku habboon iyo in dib loo soo celiyo bilicdii Caasimada Muqdisho oo ah xarunta ay diblomaasiyiinta uga howlgalaan Dalka.

Waxaa Xeerkan lagula wareegay ama dib loogala noqday dadka dokumentiyada u heysta dhulkan, maadaama dhulkaas uu ahaa dhul Dan Guud ah;

Sidoo kale waxaan Hay’adaha Dowladda Federaalka ku wargelinayaa inay joojiyaan dhulalka ay bixiyaan ama siiyaan fasax dhismo, maadaama cidda kaliya ee maamul ahaan ay Dowladdu u wakiilatay ay tahay Dowladda Hoose ee Xamar.

Waxaan ognahay in Taliyeyaashii Ciidamada Qalabka sida qaarkood ay goobtaas ka dhisteen guryo dabaqyo ah oo ay dantooda kaliya ka fikireen, halkii ay danta shacabka ka fikiri lahaayeen, waana inay u hoggaansamaan go’aankan si danguud ahaan loogu isticmaalo goobtaas. Yaa u maqan shacabka haddii ay mas’uuliyiintu ka fikiraan danahooda gaarka ah.

Duqa Muqdisho Eng. Yarisow ayaa ugu danbeyn ciddii amarkan jabisa ama u hoggaansami weysa sheegay in laga qaadi doona tallaabo sharci ah.

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda oo dhagax dhigay xarumaha canshuuraha ee Degmooyinka Gobolka Banaadir (Sawirro)

Next Post

Toos:-Ra’iisul wasaaraha XFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Kismaayo+Sawirro

Next Post
Toos:-Ra’iisul wasaaraha XFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Kismaayo+Sawirro

Toos:-Ra’iisul wasaaraha XFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Kismaayo+Sawirro

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026
0

Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Hantiwadaag...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

July 20, 2026
0

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Xisbiga JSP, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

July 20, 2026
0

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi ciyaareed oo gaar ah, iyadoo kumannaan shacab ah ay goobo kala...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha Mareykanka ee Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha Mareykanka ee Afrika

July 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maanta kulan ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In