Tuesday, April 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo: “Horay abaal waan idiin galnay waadna guddeen, annagana waad noo gasheen waana gudi doonnaa.”

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo: “Horay abaal waan idiin galnay waadna guddeen, annagana waad noo gasheen waana gudi doonnaa.”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo gabagabeeyay booqashadii labada maalmood ahayd ee uu ku yimid magaalada Muqdisho kaddib martiqaad uu ka helay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Geelle ayaa ka hor intii aanu ka duulin Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle, waxa ay xarigga ka jareen dhismaha cusub ee safaaradda Dowladda Jabuuti ku yeelanayso Soomaaliya.

Related posts

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

April 28, 2026
Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Ka bilaabatay magaalada Galbarwaaqo

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Ka bilaabatay magaalada Galbarwaaqo

April 28, 2026

Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in soo dhawaynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle loogu sameeyay Muqdisho ay ka tarjumayso wanaagga iyo jacaylka ay Soomaalidu u hayso reer Jabuuti, isaga oo adkeeyay muhiimadda xiriirka walaaltinimo iyo wadashaqaynta labada dal.

“Sida diirran ee dadka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool kuu soo dhaweeyeen Madaxweyne adiga iyo wafdigaaga waxay muujinaysaa abaalka iyo wanaagga badan ee Soomaalidu u hayso reer Jabuuti. Horay abaal waan idiin galnay waadna guddeen, annagana waad noo gasheen waana gudi doonnaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Geelle ayaa isna dhankiisa xusay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Muqdisho isaga oo sheegay inuu miradhalay dadaalkii ka bilawday Carta ee loo galay sidii Soomaaliya ula soo noqon lahayd dowladnimadeeda iyo sharafkii ay caalamka ku lahayd.

“Waxaa qalbigaygu uu la damqanayaa waxa inaga dhexeeya. Socodkii labaatan sano ka soo bilawday shirkii Carte ee ahaa inaan ku adkeyno cisigeenna iyo sharafteenna inagoo isku duuban, dunidaan tartan kula geleynaa taas.” Ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sidoo kale sheegay inay waajib tahay in la ilaaliyo xornimada ummadeed isaga oo dadka Soomaaliyeed ku bogaadiyay dadaallada ay dhexdooda mar kasta ku xallistaan arrimaha ay isku khilaafsan yihiin, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in Dowladda Jabuuti ay ka go’an tahay in Soomaalidu wixii is-faham waa ah ay dhexdeeda dhammaysato.

Xarig ka jarka dhismaha cusub ee safaaradda kaddib, waxa uu Madaxweynaha Jabuuti u gudbay Hoolka Shirarka ee Janaraal Kaahiye oo uu khudbad dardaaran ah ugu jeediyay Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo iyo Dhiggiisa Jabuuti oo si wadajir ah xarigga uga jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti.+Sawirro

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo sagootiyay dhiggiisa dalka Jabuuti +Sawirro

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo sagootiyay dhiggiisa dalka Jabuuti +Sawirro

Madaxweyne Farmaajo oo sagootiyay dhiggiisa dalka Jabuuti +Sawirro

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

April 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda ku qaabilay Tom Fletcher, Ku-xigeenka Xoghayaha...

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Ka bilaabatay magaalada Galbarwaaqo

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Ka bilaabatay magaalada Galbarwaaqo

April 28, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta ka bilaabay diiwaangelinta codbixiyeyaasha magaalada Galbarwaaqo ee gobolka Mudug, oo ka...

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada ku qaabilay hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada ku qaabilay hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed

April 28, 2026
0

Muqdisho, Abriil 28, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad casho sharaf ah oo ka dhacday...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay waqtiga dooeashada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay waqtiga dooeashada Koonfur Galbeed

April 27, 2026
0

Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan kordhinta muddada kama-dambeysta ah ee soo gudbinta liisaska musharaxiinta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In