Thursday, November 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Cadaaladda oo Muqdisho ka furay shir wada-tashi ah oo looga hadlayo tacadiyada haweenka {Sawirro}

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Cadaaladda oo Muqdisho ka furay shir wada-tashi ah oo looga hadlayo tacadiyada haweenka {Sawirro}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan wada tashiga ah ee ku saabsan Fidinta adeegga cadaaladeed iyo doorka Nidaamka xeerka dhaqanka ee ka hortaga rabshadaha ka soo horjeeda xaquuqul insaanka iyo tacadiyada ka dhanka ah haweenka ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho waxaa shirka garwadeen ka ah wasaaradda cadaaladda XfS waxaana  ka qayb galay xubno ka socday dowlad goboleedyada’Qareenada Jaamacadaha, Culimada ururo haween iyo dhinacyo kale.

Ugu horeyn waxaa sharaaxd ka bixiyay Muhiimadda Shirku xambaarsan yahay iyo ajandayaasha labada maalin laga doodi doono Xoghayaha Joogtada ah ee wasaaradda Cadaaladda XF Soomaaliya Dr Ismaaciil Jimcaale.

Related posts

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

November 5, 2025
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

November 5, 2025

Qaar ka mid ah dadkii ka qayb galay Shirkaan ayaa dood kulul ka dhiibtay habka ugu wanaagsan ee loo wajahayo ka hortaga tacadiyada Kufsigu ka mid yahay ee haweenka lagula kaco.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali daahir oo ka hadlay kulankaa ayaa sheegay in xafiiskiisu si adag uga shaqeynayo sidii looga hortagi lahaa tacadiyada haweenka isla markaana meel wanaagsan uu hadda marayo.

Wasiirka cadaaladda XF Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo si rasmi ah u furay Shirka wada tashiga ah ayaa sheegayin siyaasada wasaaradda iyo guud ahaan dowladda ay tahay in meel looga soo wada jeesto tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo guud ahaan mawaadiniinta Soomaaliya.

“Siyaasada wasaaradda waxaa ay tahay in meel looga soo wada jeesto arinkaan tacadiyada haweenka waxaa la idinka rabaa inaad si aad ah uga doodaan arinkaa isla markaana ka soo saartaan go’aano rasmi ah oo lagu daro sharciga”ayuu yiri wasiirka.

By Axmed Cali Kaahiye

Previous Post

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo qabatay kulan ku saabsan Wadatashiga Asteynta Awoodaha Heerarka Dawladda “Sawirro”

Next Post

Ciidamada amniga oo gacanta ku dhigay Dhagar qabayaal ka tirsan Shabaab

Next Post
Kulan looga Hadlayay Shaqo La’aanta heysa Ardayda kasoo baxda Jaamacadaha oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

Ciidamada amniga oo gacanta ku dhigay Dhagar qabayaal ka tirsan Shabaab

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

November 5, 2025
0

Madaxweynaha dalka Ukraine, Mudane Volodymyr Zelenskyy, ayaa ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ukraine,...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

November 5, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daahfuray Barnaamijka Ilaalinta iyo Daryeelka Bulshada, oo ay...

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

November 5, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Brazil.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Brazil.

November 5, 2025
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In