Waxaa Maanta oo Jimca ah la aasay Dadkii Muslimiinta ahaa ee Todobaad ka hor lagu laayay Laba Masjid oo ku yaalla Magaalada Christchurch ee Dalka New Zealand.
Salaadda Jinaazada oo ka dhacday Masjidka Al-Nuur ka ka mid ah goobihii lagu laayay 50-ka Muslimiinta ahaa, ayaa waxaa ka qeyb galay Dad ku dhow 20,000 Qof oo isaga kala yimid daafaha Caalamka.
Sidoo kale aaska iyo ducada loo sameeyay Dadkaasi ayaa waxaa ka qeyb gashay Madax ay ugu horreeyso Ra’iisul wasaaraha Dalkaasi , Jacinda Ardern, iyadoo Muddo Laba Daqiiqo ah loo aamusay Dadkii halkaasi ku geeriyooday.
Ra’iisul wasaare, Jacinda Ardern, ayaa mar kale ku celisay in Maanta oo Jimca ah Idaacadaha Maxalliga ee Dalkaasi laga sii daayo Aadaanka, si Muslimiinta loogu muujiyo Garab istaag, isla markaana ay Dowladda iyo Shacabku ugu soo horjeedaan falkii ka dhacay Magaalada Christchurch.