Monday, December 22, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Degmada Marka oo Shacabka ka codsaday in ay ka qeybqaataan Ciribtirka Al-Shabaab

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Degmada Marka oo Shacabka ka codsaday in ay ka qeybqaataan Ciribtirka Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha cusub ee Degmada Marka , C/llaahi Cali Axmed (Waafoow), ayaa sheegay in tallaabooyinka ugu horreeya ee uu qaadi doono ay tahay sidii Al-Shabaab looga xoreyn degaannada ay kaga dhuumeeleystaan Gobolka, ammaankana loo soo celin lahaa.

Mudane; Waafoow, oo u warramayay Warbaahinta Qaranka ayaa ku cel-celiyay in qorshihiisa koobaad iyo kan Labaadba uu yahay sugidda ammaanka, Shacabka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadana ka codsadey in ay maamulkooda la shaqeeyaan, si cadowga looga adkaado.

Related posts

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025

Guddoomiye, Waafoow ayaa sheegay in ay xoogga saari doonaan sidii dib loogu soo celin lahaa dhammaan adeegyadii Bulshada ee Degmada Marko, sida Caafimaadka, wax-barashada iyo dhaq-dhaqaaqyadii kale ee Bulshada iyagoo kaashana maamulka Koofur Galbeed iyo laamaha ammaanka.

Wuxuu sheegay Guddoomiyuhu in ay sidoo kale xoogga saari doonaan horumarinta degaanka, haatanna ay kulammo la qaateen hay’adaha ay quseyso, Shacabkuna ay u jiheyn doonaan in ay ka faa’iideystaan Kheyraadka uu Alle ku manneystay, maaddaama ay Degmada Marka tahay Magaalo Xeebeed, balse intaas oo idil ay ka horreeyso sugidda ammmaanka.

C/llaahi Cali Axmed (Waafoow), ayaa sheegay in aysan jirin haba yaraatee wax adeeg Caafimaad ah oo uu fuliyo Isbitaalka Guud ee Magaalada Marka, Shababkuna ay arrintaasi dhibaato weyn ka haysato, isagoo Dowladda Federaalka iyo maamulka Koofur Galbeedba ugu baaqay in gar-gaar Caafimaad oo deg-deg ah lala soo gaaro.

Shacabka ku nool Magaalada Marka ayuu ugu baaqay in ay ka gudbaan waxyaabihii dhaliyay colaadihii ragaadiyay Degmada iyo horumrinta degaanka, wuxuuna usoo jeediyay in ay maamulka iyo laamaha ammaankuba kala shaqeeyaan sidii loo Cirib tiri lahaa Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Previous Post

Muslimiintii lagu laayay New Zealand oo Maanta la aasay

Next Post

Shir looga hadlayo Islaam nacaybka oo Maanta ka furmaya Dalka Turkiga

Next Post
Shir looga hadlayo Islaam nacaybka oo Maanta ka furmaya Dalka Turkiga

Shir looga hadlayo Islaam nacaybka oo Maanta ka furmaya Dalka Turkiga

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii Diseembar 2025 fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah khawaarijta, kaas oo ka dhacay...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

December 22, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay...

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

December 21, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta isbitaalka Digfeer ku booqday dadkii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In