Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Cadaaladda DF oo Muqdisho ka furay Shir looga hadlayo ka hortaga Musuqa iyo hormarinta howlaha dowladda

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Cadaaladda DF oo Muqdisho ka furay Shir looga hadlayo ka hortaga Musuqa iyo hormarinta howlaha dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan dood wadaaga ah ee Dhibaatooyinka Musuq –Maasuqa iyo sida loo horumarin karo howlaha dowladda oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay ka qayb galayaan qaar ka mid ah hay’adaha dowladda iyo bulshada rayidka ayaa waxaa furay wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji waxaana uu socon doonaa labo maalin oo ay ka qayb galayaashu ka doodi doonaan musuqa iyo sidii looga cirib tiri lahaa dalka.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda XFS Dr Ismaaciil Jimcaale Calasow, oo ka hadlay furitaanka dood wadaagaan ayaa sharaxaad ka bixiyay Muhiimada loo qabtay kulankaan iyo waxyaabaha looga hadli doono mudada labada maalin ah ee uu socdo.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo si rasmi ah u furay Shirka ayaa sheegay in muhiimadda laga leeyahay ay tahay, in Soomaaliya oo waqti dheer kaalmo hooseeya kaga jirta Musuqa iyo wax is daba marinta hadda waji ka duwan kaas loo horseedo .

“waad ku mahadsan tihiin sida wanaagsan ee aad uga soo qayb gasheen, Shirkaan Muhiimada loo qabtay waa inaan helno hanaan wanaagsan oo looga hortago Musuq maasuqa waxaana ku casuumnay wasaarado dhowr ah sida wasaaradda Maaliyadda, xafiiska xisaabiyaha guud iyo xafiiska Hanti dhowrka guud waxaan idinku boorinayaa inaad soo saartaan dood wax ku ool ah mudada labada maalin ah ee shirku uu socdo” ayuu yiri wasiirka.

Previous Post

Wasiirka Cadaaladda Hirshabeelle oo u furay odoyaasha dhaqanka siminaar ku saabsan habka xalinta khlifaaafaadka dadban “SAWIRRO”

Next Post

Soomaaliya oo shir looga hadlayo muran goboleedka Saxaraha uga qeybgashay Morocco

Next Post
Soomaaliya oo shir looga hadlayo muran goboleedka Saxaraha uga qeybgashay Morocco

Soomaaliya oo shir looga hadlayo muran goboleedka Saxaraha uga qeybgashay Morocco

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In