Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dawlad Gobaleedka Hirshabeelle oo dardar ku billawday qabsoomidda shirarka Tubaha Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Dawlad Gobaleedka Hirshabeelle oo dardar ku billawday qabsoomidda shirarka Tubaha Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyada oo dhawaan Hir-shaballe ay billawday daadejinta tubaha Qaranka ayaa magaalada Jowhar waxaa si dardar leh uga billaawday todobaadkaan shirarka tubaha Qaranka oo ay yeelanayaan Guddi hoosaadyada iyo Guddiyada Farsamada Tubaha.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Garsoorka ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cabdiqaadir Cismaan Cabdislaan ayaa Guddoomiyay shirka Guddi Hoosaadka Golaha Wasiirada iyo Guddiga Farsamada Tubta Amniga iyo Cadaaladda  oo lagu gorfeeyay ka mira dhalinta qorshaha horumarinta Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Intii uu shirku socday waxaa warbixin la xariirta Amniga guud ee Hirshabeelle laga dhegaystay Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha dawlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Qorshayaasha sida gaarka ah looga wada hadlay waxaa qayb ka ahaa Tayeynta ciidamada, dib-u-eegista hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka, isku xirka hey’adaha Amniga iyo bulshada deegannada Dowld Goboleedka Hirshabelle iyo Maareynta xiliga kala guurka ah ee ciidanka Soomaaliyeed ay la wareegayaan sugidda Amniga dalka.

Dhanka kale, waxaa iyana shir kaa lamid ah maanta yeeshay Guddi Hoosaadka Golaha Wasiirrada iyo Guddiga farsamada Tubta horumarinta arrimaha bulshada.

Dhawaan ayaa waxaa dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ay noqday dawlad Gobaleedkii ugu horreeyay ee si rasmi ah ugu guulaysta daadejinta tubaha Qaranka kadib markii ay arrintaas dhaqan gelinteeda iska kaashadeen khuburo iyo howl-wadeenno ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo dawlad gobaleedka Hirshabeelle.

Previous Post

Madaxweynaha Puntland iyo Wefdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhoweeyey magaalada Qardho “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Madaxa Xukuumadda Morocco Saâd-Eddine El Othmani “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Madaxa Xukuumadda Morocco Saâd-Eddine El Othmani “SAWIRRO”

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Madaxa Xukuumadda Morocco Saâd-Eddine El Othmani "SAWIRRO"

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒  𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

September 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In