Friday, December 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dawlad Gobaleedka Hirshabeelle oo dardar ku billawday qabsoomidda shirarka Tubaha Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Dawlad Gobaleedka Hirshabeelle oo dardar ku billawday qabsoomidda shirarka Tubaha Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyada oo dhawaan Hir-shaballe ay billawday daadejinta tubaha Qaranka ayaa magaalada Jowhar waxaa si dardar leh uga billaawday todobaadkaan shirarka tubaha Qaranka oo ay yeelanayaan Guddi hoosaadyada iyo Guddiyada Farsamada Tubaha.

 

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Dooxa ee Siyaasadda iyo Amniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Dooxa ee Siyaasadda iyo Amniga

December 5, 2025
Wasaaradda Kalluumeysiga oo xoogga saareysa kor u qaadiska dhaqaalaha Buluuga ah

Wasaaradda Kalluumeysiga oo xoogga saareysa kor u qaadiska dhaqaalaha Buluuga ah

December 5, 2025

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Garsoorka ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cabdiqaadir Cismaan Cabdislaan ayaa Guddoomiyay shirka Guddi Hoosaadka Golaha Wasiirada iyo Guddiga Farsamada Tubta Amniga iyo Cadaaladda  oo lagu gorfeeyay ka mira dhalinta qorshaha horumarinta Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Intii uu shirku socday waxaa warbixin la xariirta Amniga guud ee Hirshabeelle laga dhegaystay Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha dawlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Qorshayaasha sida gaarka ah looga wada hadlay waxaa qayb ka ahaa Tayeynta ciidamada, dib-u-eegista hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka, isku xirka hey’adaha Amniga iyo bulshada deegannada Dowld Goboleedka Hirshabelle iyo Maareynta xiliga kala guurka ah ee ciidanka Soomaaliyeed ay la wareegayaan sugidda Amniga dalka.

Dhanka kale, waxaa iyana shir kaa lamid ah maanta yeeshay Guddi Hoosaadka Golaha Wasiirrada iyo Guddiga farsamada Tubta horumarinta arrimaha bulshada.

Dhawaan ayaa waxaa dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ay noqday dawlad Gobaleedkii ugu horreeyay ee si rasmi ah ugu guulaysta daadejinta tubaha Qaranka kadib markii ay arrintaas dhaqan gelinteeda iska kaashadeen khuburo iyo howl-wadeenno ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo dawlad gobaleedka Hirshabeelle.

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Puntland iyo Wefdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhoweeyey magaalada Qardho “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Madaxa Xukuumadda Morocco Saâd-Eddine El Othmani “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Madaxa Xukuumadda Morocco Saâd-Eddine El Othmani “SAWIRRO”

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Madaxa Xukuumadda Morocco Saâd-Eddine El Othmani "SAWIRRO"

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Dooxa ee Siyaasadda iyo Amniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Dooxa ee Siyaasadda iyo Amniga

December 5, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo...

Wasaaradda Kalluumeysiga oo xoogga saareysa kor u qaadiska dhaqaalaha Buluuga ah

Wasaaradda Kalluumeysiga oo xoogga saareysa kor u qaadiska dhaqaalaha Buluuga ah

December 5, 2025
0

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee XFS Cali Ifiye Cali ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray shir...

Wasiirka Awqafta XF S oo ka warbixiyay doorka culimada ee dowlad dhiska iyo nabadeynta dadka

Wasiirka Awqafta XF S oo ka warbixiyay doorka culimada ee dowlad dhiska iyo nabadeynta dadka

December 5, 2025
0

Wasiirka Awqafta iyo Arrimaha Islaamka XF S Mudane Sheekh Muqtaar Rooboow oo ka hadlay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay...

Wasiirka Beeraha XFS“Dhowaan waxaan soo bandhigi doonaa cagaf-cagafyo qiimo ahaan aad u jaban iyo qalab kale”

Wasiirka Beeraha XFS“Dhowaan waxaan soo bandhigi doonaa cagaf-cagafyo qiimo ahaan aad u jaban iyo qalab kale”

December 5, 2025
0

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye oo qabtay dood cilmiyeed ay ka qeybgaleen qaar kamid ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In