Monday, July 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xoghayihii amniga gudaha Mareynkanka oo is casishay

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Xoghayihii amniga gudaha Mareynkanka oo is casishay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayihii amniga gudaha Maraykanka Kirstjen Nielsen oo mas’uul ka ahayd qorshaha muranka badan dhaliyay ee siyaasadda socdaalka ayaa xilkii iska casishay.

Related posts

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo kulan la yeelatay Guddoomiyaha Golaha Haweenka Pakistan

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo kulan la yeelatay Guddoomiyaha Golaha Haweenka Pakistan

July 13, 2026
Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026

Madaxweynaha Mareynkanka Donald Trump,ayaa axaddii shalay ahayd shaaciyay iscasiladda Haweeneydan ahayd Xoghayihii amniga gudaha Maraykanka Kirstjen Nielsen,wuxuuna madaxweynaha hoosta ka xariiqay inuu sii xoojinayo siyaasadda arrimaha socdaalka ka dib markii ay soo ifa-baxeen murano dhanka xuduudaha la xiriira.

Kirstjen Nielsen oo ah Haweeneyda is-casishay ayaa ku tilmaamtay “Sharaf” in ay ka shaqaynaysay wasaaradda amniga gudaha,islamarkaana isbedel la taaban karo ay ku sameysay mudadii ay xilka heysay.

Trump oo markiiba bartiisa Twitter-ka qoraal soo dhigay ayaa sheegay in xilka ay banaysay haweenayday uu buuxiin doono agaasimaha Laanta Canshuuraha iyo Illaalinta xudduudaha Kevin McAleenan.

Waxa ay haweenaydan mas’uul ka ahayd hirgalinta qorshaha gidaarka iyo kan ka hortagista dadka soogalootiga ah, gaar ahaan in la kala sooco carruurta iyo waalidkooda muhaajiriinta ah.

Ma aysan sheegin wax sabab ah oo ay xilka u banaysay, balse waxa ay sheegtay in ay tahay waqtigii ugu haboonaa ee an xilka ka degto marka la barbardhigo kolkii ay maamulka ku biireysay.

Previous Post

Shir Hay’adaha Dastuurka Uga Furmay Kismaayo+Sawirro

Next Post

Shir looga hadlayo sidii gargaar lagu gaarsiin lahaa deegaanada laga saaray Maleeshiyadda Al Shabaab oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Next Post
Shir looga hadlayo sidii gargaar lagu gaarsiin lahaa deegaanada laga saaray Maleeshiyadda Al Shabaab oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Shir looga hadlayo sidii gargaar lagu gaarsiin lahaa deegaanada laga saaray Maleeshiyadda Al Shabaab oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo kulan la yeelatay Guddoomiyaha Golaha Haweenka Pakistan

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo kulan la yeelatay Guddoomiyaha Golaha Haweenka Pakistan

July 13, 2026
0

Islamabad, Pakistan – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee...

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026
0

Qaar ka mid ah gabdhaha saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiirigelin iyo hambalyo ah u sameeyay Caaliya Maxamed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In