Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golayaasha Xeer-dejinta Dowladda Federaalka iyo M/Goboleedyada oo Maalintii Labaad ka socda Garowe.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Shirka Golayaasha Xeer-dejinta Dowladda Federaalka iyo M/Goboleedyada oo Maalintii Labaad ka socda Garowe.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026

Waxaa Maalintii labaad Magaalada Garowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland ka socda shirka Golayaasha xeer dejinta ee Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada oo maanta talooyinkooda looga dhageystay Guddoomiyaasha Golayaasha Xeer dejinta ee dowladaha xubnaha ka ah Dowladda dhexe, waxaana Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad goboleedka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed “Dhoobo” uu sheegay in Muhiim ay tahay loona baahanyahay in wada shaqeyn dhow ay yeeshaan gudiyada isku shaqada ah ee Golayaasha xeer dejinta iyadoo arinkaas uu hormuud ka noqonaayo Golaha Shacabka ee JFS.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Dowlad Goboleedka Jubaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif sheekhuna maye iyo Guddoomiyaha golaha wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Hirshabeele Sheekh Cusmaan Barre ayaa dhankooda balanqaaday in ay sii xoojin doonaan wada shaqeynta iyo iskaashiga Dowladda dhexe iyo Dowladda Goboleedyada si  shacabka oo dhan ay dowladnimada u gaarto.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo soo dhaweeyay talooyinka ay soo jeediyeen Guddoomiyaasha Golayaasha Xeer dejinta ee Dowlad Goboleedyada ayaa sheegay in ka gole shacab ahaan diyaar u yihiin in shuruuc walba oo dalka loo sameynaayo laga tala geliyo Dowlad Goboleedyada,iyadoo la tashi iyo iskaashi dhow lala yeelanaayo hadba Guddiga ku shaqada leh.

Ugu dambeyn xildhibaanadii shirka ka qeyb galay oo isugu jiray Golaha shacabka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa talooyin mira dhal ku biiriyay shirka.

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo u hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub ee Bangiga Aduunka

Next Post

Shirka isku xirka Howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo ka furmay Muqdisho+sawirro

Next Post
Shirka isku xirka Howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo ka furmay Muqdisho+sawirro

Shirka isku xirka Howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo ka furmay Muqdisho+sawirro

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

War-murtiyeedka Shirka  Golaha Wadatashiga Qaranka

War-murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

January 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ay qaab fogaan arag...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda qalin-jabinta aqoonyahanada dhammaystay waxbarashada heerarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In