Thursday, August 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo faah faahin ka bixiyay howlgallo lagu soo qabtay Al-Shabaab

admin by admin
April 29, 2019
in Wararka
0
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo faah faahin ka bixiyay howlgallo lagu soo qabtay Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyey hawlgallo dad ka tirsanaa maleeshiyada Al-shabab lagu soo qabtay oo ay ciidamada amniga sadexdii maalin ee ugu dambaysay ka sameeyeen magaalada Muqdisho.

 

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan wax ku ool ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo masuuliyiinta Bangiyada dalka

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan wax ku ool ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo masuuliyiinta Bangiyada dalka

August 13, 2025
Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

August 13, 2025

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegtay in howlgal ay ciidamada amniga ka sameeyeen 26-kii bishan ay ku soo qabteen afar ruux oo ku eedeysan Al-Shabaabnimo.

Sidoo kale, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegtay in Hay’adaha amniga oo kaashanaya Shacabka ay gacanta ku soo dhigeen dhagar qabe xogtiisa la hayay oo ka dambeeyay dil loo geystay Guddoomiye waaxeed ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir,kaas oo xilligii la qabanayay ku sugnaa degmada Xamarweyne.

Isla degmada Xamarweyne,howlgal ay ciidamada amnigu ka sameeyeen waxay ku soo qabteen sadeed ruux oo ku eedeysan Al-Shabaabnimo,waxayna soo qabashadooda ka dambeysay ka dib markii Shacabka ay Hay’adaha amniga ku soo wargeliyeen xogtooda.

Sareeye Guuto Zakiye Xuseen Axmed ayaa tilmaantay in howlgal ay xalay saqdii dhexe ciidamada amniga ka sameeyeen deegaanka Weedow ee duleedka Muqdisho ku soo qabteen lixdan ruux oo ku eedeysan falal la xiriira Al-Shabaab.

Sidoo kale, Ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay afar ruux oo burcad ah kuwaas oo dhac ka geysanayay degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyntii, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa mar labaad ka codsaday dadweynaha iney Hay’adaha amniga ku soo wargeliyaan wax kasta oo amniga wax dhimi kara oo ay ka shakiyaan,iyagoo Hay’adaha amniga kala xiriiri kara numbarka gaaban ee 991.

Previous Post

Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo ka qeybgalay Xafladda arday dhameystay Waxbarshada sare ee Jaamacada Hope

Next Post

Shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada oo maanta ka furmaya Muqdisho

Next Post
Shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada oo maanta ka furmaya Muqdisho

Shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada oo maanta ka furmaya Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan wax ku ool ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo masuuliyiinta Bangiyada dalka

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan wax ku ool ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo masuuliyiinta Bangiyada dalka

August 13, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa maanta shir muhiim ah la yeeshay culimo, ganacsato iyo wakiillo...

Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

August 13, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kuwait, ayaa maanta...

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

August 13, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Sare...

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

August 13, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Gedo,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In